Madasha Xisbiyadda Qaran oo digniin u dirtay madaxweyne Farmaajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madasha Xisbiyadda Qaran oo war-saxaafadeed soo saartey ayaa waxay ku dhawaaqdey "mowqifkeeda" ku aadan xukuumadda ku meelgaarka ah dowlada federaalka Soomaaliya.

Ugu horeyn, bayaanka ayaa lagu sheegay in ay soo dhaweynayaan magacaabida guddiga wadajirka ah ee dowladda iyo maamuladda u saareen nooca doorashooyinka soo aadan ee 2020-21.

Warka qoraalka ah oo uu arkay Garowe Online ayaa "sharci darro" ku tilmaamay magacaabida xubnaha Golaha Adeega Garsoorka iyo Hay'adda Batroolka ee xukuumaddu sameysay.

Hanaanka loo maray magacaabida xubnahaan labadaan hay'addood ee masiiriga ah ayay ka dhawaajiyeen in ay baalmarsan tahay dastuurka qabyadda, arrintaas oo ay walaac ka muujiyeen.

"Waxaan uga digeynaa madaxweynaha JFS in uusan kusoo saarin wareegto xubnahaas 5-ta ah ee ka tirsan Golaha Adeega Garsoorka inta laga waafujinayo dastuurka," ayay soo qoreen.

Xukuumadda ku meelgaarka ah ayay hoosta ka xariiqeen in waajibaadkeedu yahay sii-gaarsiinta Golaha Wasiiradda rasmiga ah iyo sii waditaanka shaqooyinka caadiga ah ee dowladda.

Ugu dambeyntii, baarlamaanka ayay ka dalbadeen in uu dabagal ku sameeyo shaqooyinka xukuumadda ku meelgaarka ah kulana xisaabtamaan howlaha ay qabaneyso inta ra'iisul wasaare laga soo magacaabayo.

Hoos ka akhriso bayaanka Madasha

GAROWE ONLINE

Related Articles

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM

QM oo ku baaqday in Soomaaliya dib u eegto sharciyada la-dagaalanka argagixisada, xilli xasaasi ah

Wuxuu xusay in dambiyo aan dil la xiriirin ay haddana keeni karaan xukun dil ah, taasoo aan la jaanqaadayn shuruucda caalamiga ah.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:09AM