Qarax culus oo lagu weeraray xero ay leeyihiin ciidanka Soomaaliya

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax noociisa aan wali la xaqiijin isla markaana si weyn loo maqlay ayaa Sabtida maanta ah [8-da August, 2020] ka dhacay magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Warar horudhac ah ayaa waxay tilmaamayaan in weerarka uu ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa isla markaana uu saarnaa ruux naftii halige ahaa.

Warbixinadda ayaa intaas ku daraya in is-miidaamiyaha uu bartilmaameedsaday xero ay leeyihiin ciidamadda Soomaaliya gaar ahaan guutada 12-ka April oo halkaas ku leh saldhig weyn.

Saldhigaas muhiimka u ah sugida amniga caasimada waddanka ayaa ku dhow garoonka kubadda cagta dhowaan xariga laga jaray kadib dayactir lagu sameeyay ee Stadium Muqdisho iyo Xarunta Xisbiga.

Goobjoogeyaal ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in gaariga uu ku qarxay albaabka laga galo xerada oo sidoo kale ku dhow Xaruntii hore ee dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Illo wareedyo dhanka amniga ah ayaa xaqiijiyey dhimashadda lix qof, wallow ay sheegeen geerida ay intaas kasii badan karto. Dhaawaca waxaa la aaminsan yahay in uu tirro intaas ka badan yahay.

Al-Shabaab oo sheegatay weerarka ayaa xustay in uu ahaa is-qarxin isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen ciidamada dowladda kuna gubeen gaadiid ciidan. Masoo bandhigin caddeymo.

Ma jiro wax war ah oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhanka taliska ciidamadda Soomaaliya, mana ka jawaabin dalabyo dhowr ah oo uu u diray Garowe Online.

Arbacadda todobaadkii hore, Al-Shabaab ayaa weerartay saldhig ay ciidamadda Soomaaliya ku leeyihiin degaanka Daynuunay oo ku yaala duleedka Baydhabo, halkaasoo ay ku dishay shan askari.

Maalintii xigtay oo ah Khamiistii, saraakiisha ayaa guulo ka sheegtay weerar kale oo ay Al-Shabaab ku ekeysay xero guutada 14-ka October ku leedahay degaanka Ceel-jaale ee Shabeellaha Hoose.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka: Siyaasaddeenna ku aaddan midnimada Soomaaliya waxba iskama beddelin 

Ururro heer gobol iyo heer caalami ah, oo ay ka mid yihiin Midowga Yurub, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo IGAD.

  • Soomaliya

    03-02-2026

  • 02:36PM

Diyaaradaha dagaalka Turkiga oo lagu arkay hawada Muqdisho

Duulimaadyadan tijaabada ah ayaa loo sameeyay xaqiijinta tayada diyaaradaha iyo diyaar u ahaanshahooda hawlgalada mustaqbalka.

  • Soomaliya

    03-02-2026

  • 11:35AM