Khilaafka Siyaasadda Soomaaliya oo Hareeyay Shirka Kampala, Museveni oo Ku Baaqay Wada-hadal Loo Dhan Yahay

Image

KAMPALA, Uganda – Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa kulankii ay shalay magaalada Kampala ku yeesheen wasiirrada difaaca dalalka ciidamadoodu ka qeyb qaataan Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo si weyn diiradda loogu saaray xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, Uganda oo martigelineysa shirarka isla markaana ah dalka ugu ciidanka badan ee ka qeyb qaata howlgalka AUSSOM, ayaa soo jeedisay in Soomaaliya loo diyaariyo khariidad wada-hadal siyaasadeed oo loo dhan yahay (Political Roadmap), si loo gaaro xasillooni siyaasadeed oo waarta.

Uganda ayaa ku adkeysatay in khilaafaadka siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya lagu xalliyo wada-hadal ay ka qeyb galaan dhammaan dhinacyada siyaasadda. Waxay sidoo kale ku boorrisay dalalka ciidamadoodu ku sugan yihiin Soomaaliya (TCCs) inay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhiirrigeliyaan furitaanka wada-hadal loo dhan yahay, isla markaana ay hoggaanka Soomaalidu muujiyaan lahaanshaha geeddi-socodka siyaasadeed.

Ilo ku dhow shirka ayaa sheegay in Madaxweyne Yoweri Museveni uu adkeeyay in xal waara aan lagu gaari karin Soomaaliya iyadoo aan la helin is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay, isla markaana loo baahan yahay in mudnaanta la siiyo wada-hadallada u dhexeeya dhinacyada siyaasadda isku haya.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jabuuti ayaa ka aragti duwanaaday soo jeedintan, iyagoo ku dooday in khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaaliya looga hadlo shir-madaxeedka madaxda dowladaha ee maanta ka furmaya Kampala, halkii go'aan looga gaari lahaa kulanka wasiirrada.

Dooddan ayaa muujinaysa in kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed ee Soomaaliya uu weli saameyn ku leeyahay wada-hadallada heer gobol ee la xiriira amniga iyo mustaqbalka howlgalka AUSSOM.

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in Jabuuti ay sii waddo taageerada ay u hayso mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Dhanka kale, dalalka ciidamadu ugu badan yihiin howlgalka AUSSOM, oo ay taageerayaan qaar ka mid ah waddamada reer Galbeedka, ayaa ku adkeysanaya in is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay uu yahay shardi muhiim u ah xaqiijinta xasilloonida Soomaaliya iyo guusha dadaallada amniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM