Deni oo diiday in uu ka hadlo ajandaha shirkii madasha wadatashiga

Image
Lama ogga haddii shirkan uu guul kusoo dhamaan doono iyo in kale maadaama ay muuqaneyso in uu furmay carro.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu soo waramayaa in uu gebi ahaanba diiday in uu wadahadal ka galo ajandaha shirka Madasha Wadatashiga, isaga oo ka qeybgalayaasha shirka ka codsaday in Puntland iyo Dowladda Federaalka ay si gaar ah uga wada hadlaan qodobadii miiska saarnaa.

Dalabka Deni ayaa yaab galisay madaxdii kale, iyada oo loo sheegey in qadiyadda miiska saaran ay tahay mid qaran oo guud, oo aysan jirin sabab dowlad goboleed heshiis gaar ah loogala galo, haddii isaga uusan hadda diyaar ahayna heshiiska lala galayo dowlad goboleedyada kale.

Wararka ayaa sheegaya in Deni uu madasha yimid isaga oo aanan usoo diyaargaroobin, islamarkaasna aanan la iman dokumeendiyadii seddex bil ka hor loo qeybiyay dowlad goboleedyada.

Kala qeexista awoodaha

Dowlad goboleedyada kale ayaa guddiyo heer wasiir ah u saaray labada qodob ee kala ah awood qeybsiga labada heer ee federaalka, iyo daadajinta garsoorka, iyada tallooyinkii iyo aragtiyadooda oo qoran ay madaxweynayaasha gobolada la yimaadeen madasha.

Qodobka kala qeexista awoodaha dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo ahaa kan ugu adag ayay wararka sheegayaan in aragtiyo isku dhow laga yeeshay, dowladda federaalkana loo dhaafay qodobo dastuuri ah sida arrimaha dibada, waxa kasoo harana si uun siyaabaha ka mid ah loo wadaagayo.

Lama ogga haddii shirkan uu guul kusoo dhamaan doono iyo in kale maadaama ay muuqaneyso in uu furmay iyadda oo ay xasarado ka oogan yihiin Puntland, Koonfur Galbeed iyo gobolka Gedo.

Kaalinta Ilhaan Cumar

Xildhibaanada Aqalka Koongareeska Maraykanka Ilhaan Cumar ayaa la sheegay in ay isku dayday in ay Deni ku qanciso in uu sida ugu habboon shirka uga qeybqaato, uuna sabab u noqon dib-u-dhaca horumarka Soomaaliya oo uu Maraykanka qarash iyo dedaal badan ku bixiyay.

Deni ayaa sidoo kale waxa uu diidey caasuumaad uu ka helay xafiiska ra'iisul wasaaraha taasoo ahayd in uu ka qeybgalo xaflad iyo casho sharaf lagu soo dhaweeyay Xildhibaanad Ilhaan.

Madaxda dowladda federaalka ayaa la fahamsanyahay in ay Ilhaan si gaar ah uga codsadeen in ay dalka soo booqato, iskuna soo beegto xilliga shirka Madasha, si gaar ahna ula hadasho madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo intii muddo ahba ay adkaatay la macaamilkiisa maadaama isku maan-dhaafeen balamo ay horey u kala dhigteen.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM