Xisbiyada mucaaradka Soomaaliya oo warqad furan u diray Abiy Axmed

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xisbiyadda mucaaradka Soomaaliya ayaa warqad furan waxay u direen Abiy Axmed, ra’iisul wasaaraha wadanka Itoobiya.

Sidda ku xusan qoraalka, xisbiyadda oo ku mideysan Madasha Xisbiyadda Qaran, ayaa ka cabanaya "u adeegsiga ciidanka Itoobiya" siyaasadda dalka.

Dowladda madaxweyne Maxamed Farmaajo ayaa waxay askarta oo aan kamid ahayn howlgalka AMISOM u isticmaaleysa danaheeda qaar kamida maamulada.

Xisbiyadda ayaa cambaareeyay cutubyo horleh oo loo daabulay magaaladda Dhuusamareeb, Khamiistii, 28-ka bisha November ee sanadkan 2019-ka.

"Ciidankan waxaa loogu talogalay in lagu farogeliyo doorashooyinka bisha dambe ka dhacaya dowlad goboleedka Galmudug," ayay ku sheegeen warqadda.

Ciidanka aan kamid ahayn AMISOM ee Itoobiyaanka ah ayaa ku jooga waddanka "heshiis laba geesood ah" oo ay kala saxiixdeen Muqdisho iyo Addis Ababa.

Qoraalka oo uu helay GO ayaa ku tilmaameen in farogelinta ciidamada Itoobiyaanka ah ay hurineyso colaadda xili doorka Itoobiya ee AMISOM yahay nabad-ilaalin.

Goobjoogeyaal ku sugan Dhuusamareeb ayaa soo wariyey in ay arkeen todoba kamid ah gaadiid oo milatari Itoobiyaan ah keenaya madaarka magaaladda.

Doorashooyinka maamul goboleedyadda ayaa xudun u ah coddeynta waddanka kusoo fool eh sanadka dambe, wallow aan wali lagu heshiinin nidaamka.

Itoobiya ayaa diiwaanka loo geliyay in ay gacma gacmeysay doorashooyinkii maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubaland, iyaga oo fulineysa dalabka Villa Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayay ciidanka Itoobiya 19-kii November, u diideen in uu galo magaaladda Beledxaawo.

Kismaayo oo qoonsatay xadgudubyadda ciidanka Itoobiya kawado gobolka Gedo ayaa dalbatay in laga saaro, maadaama ay qafaasheen mas'uuliyiin.

Ajendaha xukuumadda federaalka ee Gedo ayaa wuxuu yahay in ay ka sameyso maamul sharci darro ah sababtoo ah in aysan xiriir fiican la lahayn Jubbaland.

Ugu dambeyntii, xisbiyadda oo ka rajeeyay Abiy Axmed in uu codsigooda ku lifaaqi doono sawirka cusub ee Itoobiya, ayaa ka codsaday jawaab "degdeg ah".

QORAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM