Guddigii gurmadka ee Somaliland oo sharaxay kulankii Farmaajo iyo Khayre

Image

HARGEYSA, Somaliland – Guddiga Somaliland u soo dirtay Muqdisho si ay qayb uga noqdaan gargaarka fatahaadaha Beledwayne, ayaa ka warbixiyey kulankii ay la yeesheen hogaanka dowladda federaalka.

Jamaal Caydiid Ibraahim, gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland, oo hogaaminayey guddigaas, ayaa meesha ka saarey in kulankooda lagu soo qaadey arrimo la xiriira siyaasad.

Ibraahim oo wariyeyaasha kula hadlay garoonka diyaaradaha Hargeysa, ayaa sheegay in kaliya ay kala xaajoodeen madaxda Soomaaliya sugitaanka amnigooda.

Guddiga oo wadday lix boqol oo kun oo Doolar ayaa laba boqol oo kamid ah u qabiyey dadka, halka afar boqol oo kelana ay ku dhegax-dhigeen mashruuc xal loogu helayo daadadka.

Lacagtaan ayaa badankeeda waxaa laga soo uruuriyey shacabka, halka xukuumadda talada haysa ee Muuse Biixi Cabdi ku kabtay laba boqol.

Qoraal kasoo baxay xafiisyadda madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa lagu sheegay in madaxdu uga mahadcelisay guddiga talaabadda ay qaadeen.

"Waa protocol iyo nabad-gelyo ahaan in aan iyaga marno, waxaana u marnay si loo adkeeyo ammaankeena illaa iyo inta aan ka tageyno meesha aan u soconay," ayuu Ibraahim yiri.

Hadalka kasoo yeeray Guddiga ayaa imaanaya xili qaar kamida siyaasiyiinta maamulka Hargeysa ay shaki ka muujiyeen ajendaha kulanka, maadaama ay jirto xiisada wada-hadalada oo hakad ku jira shan sano.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM