Farmaajo oo dalka kusoo laabtay, xilli Imaaraadka go'aan ka qaadatey dowladiisa

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay shir-madaxeedka dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta oo ka dhacay magaalada Al-Dahraan ee Boqortooyada Sucuudiga ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha ayaa intii uu shirku socday waxa uu la wadaagay madaxda Carabta, guulaha la taaban karo ee Soomaaliya ay ku tallaabsatay muddadii la soo dhaafay iyo qorshayaasha ay muhiimka tahay in walaalaha Carbeed ay kala shaqeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, si ay qeyb uga noqdaan dib-u-kabashada dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xasuusiyey hoggaamiyeyaasha Carbeed muhiimadda ay leedahay midnimadu iyo wadajirku, maadaama marxalad adag ay ku jirto mandiqaddu, sida kaliya ee looga gudbi karana ay tahay isku duubni iyo in la ixtaraamo dal kasta madax-bannaanidiisa iyo karaamadiisa.

Madaxweynaha ayaa ka dalbaday Jaamacadda Carabta inay fuliso ballanqaadyadii iyo go'aamadii ka soo baxay shirarkii hore ee lagu taageerayay Soomaaliya iyo in badeecadaha Soomaaliyeed loo fududeeyo suuqyada Carbeed, cafinta daymahii hore ee waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta ay ku leeyihiin dalka iyo in lagu dhiirrigeliyo ganacsatada Carabeed in ay maalgashadaan Soomaaliya.

Dhanka kale, hoggaamiyeyaasha kale ee ka hadlay shir-madaxeedkan ayaa iyaguna khudbadahooda ku xusay arrimaha Soomaaliya, sheegayna inay mar walba garab-taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Soo laabashada Farmaajo, ayaa kusoo aadaysa xilli Imaaraadka uu shaaciyay inuu joojiyay taageeradii [Tababar iyo Dhaqaale] ee Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya. Halkan ka akhri Warbixinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM