Madaxweynaha Jubaland booqdey ciidamo ku wajahan Jamaame

Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqday Ciidamada Darawiishata Jubbaland ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab gaar ahaan aaga Degmada jamaame.

Madaxweynaha ayaa halkaas u tagay si uu u dhiiri galiyo Ciidamada geesiyaasha ah ee kaabiga ku haya Degmada Jamaame iyo deegaanada kale ee gobolka Jubbada Hoose ay Argagixisadu kaga harsan yihiin.

Waxaa Madaxweynahu uu halkaas kula kulmay Sarakiisha hogaaminaysa howlgaladan iyo masuuliyiin kale isagoo ku booriyay inay sii laba jibaaran howlgalka socda si kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab looga dulqaado dhibaatada ay dadka shacabka ah ku hayaan isagoo sidoo kale Sarakiisha ka dhagaystay sida ay howlgaladu u socdaan iyo guulaha ilaa hada ay Ciidamadu gaareen.

Waxaa uu sheegay Madaxweynahu in Degmooyinka Gobolka Jubbada Hoose ee gacanta cadowga ku jira ay socdaan howlgaladii lagu xorayn lahaa sidoo kalana Ciidamada Darawishta Jubbaland ay dhaqdhaqaaqyo wax ku ool ah ka wadaan qaybo kamid ah Gobolka Jubbada dhexe iyadoo howlagaladii u danbeeyay ee Ciidamada aagaas ku wajahan ay ka fuliyeen agagaarka Degmada Xagar dharbaaxo culus lagu gaarsiiyay Argagixisada Al-Shabaab.

Ciidamada kala duwan ee howlgalkan iska kaashanaya oo kala ah Ciidamada darawiishta Jubbaland Ciidamada Xooga Dalka iyo Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab Jubbaland ayuu Madaxweynahu sheegay in ay cashar u dhigeen Argagixisada maalmaha soo socdan ay gaari doonan guulo cusub iyagoo is raacin doona haraaga Kooxda dhiiga umada banaysatay ee Al-Shabaab.

Madaxtooyadda Jubaland

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM