Kabaashi: Guushu waa ay dhawdahay

Image

KHARTOUM - Ku xigeenka taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Suudaan ahna xubin kamid ah golaha madax-banaanida, Gen Shamsudiin Kabaashi Ibraahim Shinto ayaa sheegay in Guusha Milatarigu ay hubaal tahay ayna soo dhawdahay.

Booqasho uu ku tagay saldhiga Milatariga ee (Waadi Sayidnaa) oo ku taala gobalka, Karare ee dalka Suudaan ayuu sidaas sheegay.

Kulan uu halkaasi kula qaatay saraakiisha Saldhigga ayuu sidoo kale ugu duceeyay Askartii, saraakiishii iyo Rayidka ku geeriyooday dagaalka ay kula jiraan xoogaga, Dacm-sariic.

" Waa dagaal xaq waa dagaalka sharafta dhawaana waa lasoo gebo-gebaynayaa kooxda Khaa'imiinta ah ee amar diidka ah" ayuu yiri.

Kabaashi ayaa ah sarkaal dhalinyaro ah oo kasoo jeeda gobalka Nuuba ee bartamaha Suudaan waxaana darajada General u xiray madaxweynihii hore ee Suudaan, Cumar Xasan Axmed Albashiir isaga oo Kabaashi si fircoon usoo shaax baxay intii Albashiir xilka laga tuuray.

Ninkan ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah kuwa ugu mawqifka adkaa saraakiisha Milatariga ee in gebi ahaanba la tir-tiro Dacm-sariic.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM