ADDIS ABABA - Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa meel-mariyay soo jeedinta ah in la howlgeliyo ciidamo isku dhaf ah oo ka socda AU iyo UN si ay u beddelaan AMISOM dhammaadka sannadkan.

Goluhu wuxuu sheegay in ka dib kulan ay yeesheen toddobaadkii hore isku raaceen in loo diro Soomaaliya Ciidamo isku dhaf ah oo fuliya Hawlgalka Xasilinta, kaasoo waafaqsan cutubka 7aad ee Axdiga Qaramada Midoobay.

Waxaa loo raadinayaan howlgalka qorsheysan, iyadoo loo marayo qiimeynta Qaramada Midoobay. Dowladda Soomaaliya ayaa horey u diiday Ciidamada loo soo wado dalka, iyadoo sheegtay in AMISOM kadib aysan jiri doonin ajnabi sii jooga.

Midowga Afrika iyo dalalka Ciidammada ka jooga Soomaaliya ayaa si kala duwan uga dalbaday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay dhaqaale siiyaan AMISOM maadaama ay mas'uul ka tahay ilaalinta nabadda iyo soo celinta dhulka Al-Shabaab gacanteeda ku jira.

Dowladda Soomaaliya ayaa tan iyo markaas diidday soo jeedinta ciidanka isku -dhafka ah, laakiin ma aysan bixin macluumaad kale oo ku saabsan mowqifkeeda hadii la keeno Ciidanka AU iyo UN ka kooban.

War-murtiyeedka Golaha wuxuu ku boorriyay Midowga Afrika, Un iyo Soomaaliya inay si degdeg ah u dhammaystiraan warbixinta wadajirka ah ee ku saabsan ujeeddooyinka istiraatiijiyadeed, waajibaadka, baaxadda iyo ka-mid-noqoshada Hawlgalka Xasilinta ee AU iyo UN.

AMISOM ayaa hadda ka howlgalaysay Soomaaliya muddo 14 sano ah, waxaana la filayaa in waajibaadkeeda la soo gabagabeeyo sanadkan.

GAROWE ONLINE