NAIROBI, Kenya – Saraakiisha Booliska La-dagaalanka Argagaxisada Kenya (ATPU), ayaa saddex qof ku xiray Mombasa, kuwaas oo looga shakisan yahay in ay xiriir la leeyihiin kooxda Al Shabaab ee ka howlgasha Soomaaliya iyo qaybo ka mid ah Kenya.

Osman Mohammed Hassan, Mohammed Ibrahim, iyo Hussein Ibrahim ayaa laga soo qabtay Dukaanka Muzamil oo ku yaala deegaanka Barsheba ee Kisauni.

Waxaa si gooni gooni ah loogu ballansanaa saddex saldhig booliis oo ku yaalla Mombasa; Saldhigga Dhexe ee Booliska, Booliska Dekedda, iyo Saldhigga Booliska ee Makupa siday u kala horreeyaan.

Sida laga soo xigtay ATPU, saddexdu waxay ku lug lahaayeen qorshaynta weeraro ku soo fool leh gudaha gobolka xeebta intii lagu jiray usbuuca dhammaadka Easter-ka.

Weerarkan ayaa waxaa xiriirinayay 7 sarkaal oo ka tirsan Al-Shabaab oo laga soo diray Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixin sirdoon oo ay soo saartay ATPU.

Booliska ayaa sidoo kale wali baadi goobaya dad kale oo gacan ka geystay sadexda tuhmane oo la aaminsanyahay in ay ku sugan yihiin gudaha Mombasa.

Talaadadii, saddexda eedaysane ayaa la horkeenay maamulaha sare ee maxkamada Mombasa Vincent Adet, halkaas oo dacwad oogayaasha ay ka codsadeen maalmo dheeraad ah si ay u soo dhamaystiraan baaritaankooda.

Wax dacwad ah laguma soo oogin.

Warqad dhaar ah oo la dhaariyay, ayuu sarkaal ku xiran ATPU ee gobolkaasi ku sheegay in saddexda eedaysane ay xiriir joogto ah la lahaayeen kooxaha argagixisada ah ee Soomaaliya.

Intii lagu guda jiray qabashada saddexda eedaysane, ayaa waxaa laga helay afar taleefoon oo gacanta ah.

Eedeysanaha labaad oo lagu magacaabo Mohammed Ibrahim Hassan ayaa la rumeysan yahay inuu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo si dhuumaaleysi ah ku soo galay dalka si aan la garaneyn.

Waxaa la sheegay in uu isku dayay in uu helo diiwaan gelinta Kenya.

Dacwad oogaha gobolka Hillary Isiaho ayaa maxkamada u sheegay in kooxda dambi baarista ay u baahan doonaan waqti dheeri ah si ay u hubiyaan dalalka ay u kala dhasheen saddexdan iyo waxa ay salka ku hayaan.

"Kooxda baaritaanku waxay u baahan yihiin waqti ay ku booqdaan xeryaha Dhadhaab iyo IFO ee degmada Gaarisa halkaasoo jawaab-bixiyuhu la rumeysan yahay inuu la kulmay hawl-wadeenno kale oo argaggixiso oo la yaqaan," ayuu yiri Isiaho.

Isniintii, eedaysanaha saddexaad ee Xuseen Ibraahim ayaa la sheegay inuu isku dayay inuu talefan gacanta ku soo geliyo saldhigga booliska ee Makupa, halkaas oo uu ku xiran yahay.

Taleefannada ayaa tan iyo markii loo gudbiyay xarunta ATPU ee Nairobi si loo soo saaro falanqaynta kooxda baadhistana wali ma helin diiwaanka xogta wicitaanka, bayaannada Mpesa, iyo xogta isgaarsiinta kale ee la xiriirta adeeg bixiyayaasha.

Maxkamadda ayaa sidoo kale lagu wargeliyay in Nairobi uu ka socdo baaritaan barbar socda oo la xiriira xarigooda, haddii jawaab bixiyaasha la sii daayo, ay dhaawaceen baaritaannada oo heer gabo gabo ah maraya.

Garsooraha maxkamada sare ee Mombasa Adet ayaa booliska u ogolaaday 14 maalmood oo dheeri ah si ay ugu sii hayaan tuhmanayaasha marka ay soo gabagabeynayaan baaritaanadooda.

GAROWE ONLINE