Sababta muranka culus uga taagan yahay biyo xidheenka wabiga Nile

Image
Is-qabqabsiga ayaa soo bilowday sanadkii 2011-kii iyadda oo ay fashilmeen dadaalo diblumaasiyadeed.

QAAHIRA, Masar - Dowladda Masar ayaa ku eedaysay Itoobiya in ay u dhistay biyo-xidheenka weyn ee Itoobiya ee loo yaqaan 'Gerd' si ay meesha uga saarto saamigii ay ku lahayd mashruucaan ballaaran.

Tani waxay ka bilaabatay 2011-kii webiga Niilka Buluuga ah ee ku yaal buuraleyda waqooyi-galbeed ee Itoobiya, halkaas oo 85% biyaha wabiga Niil ay ka soo qulqulaan.

Masar waxa ay sheegtay in Itoobiya ay mashruucan hore u sii waday iyada oo si buuxda “iska indho tireysa” danaha iyo xuquuqda dalalka hoose iyo ammaankooda biyaha.

Waxa kale oo ay ku doodday in 2% hoos u dhaca biyaha wabiga Niil ay keeni karto in ay lumiyaan ku dhawaad ​​200,000 acres (81,000 hektar) oo ah dhul waraab ah.

Itoobiya biyo xidheenkan waxa loo arkaa in uu yahay hab kacaanka dalka iyada oo 60% dadka u soo saaraya koronto iyo in uu si joogto ah u shaqeeyo ganacsiyada.

Dadaaladii dublamaasiyadeed ee u dambeeyay ee lagu doonayay in lagu ogaado sida uu biya-xireenku u shaqeeyo – iyo in la go’aamiyo inta ay le’eg tahay biyaha qulqulaya ilaa Suudaan iyo Masar – ayaa burburay bishii December ee la soo dhaafay.

Sikastaba ha ahaatee, xiisadan ayaa waxaa laga cabsi qabaa in ay horseedo dagaal fool ka fool ah oo dhexmara labada dal ee Itoobiya iyo Masar kuwaas oo haatan xoojinaya saameyntooda gudaha Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Libya oo Dib u billowday Sahaminta Shidaalka Badda Xili Dalka uu wajahayo Amni darro

Inkasta oo Libya ay weli wajahayo qalalaase siyaasadeed tan iyo ridistii xukunka Muammar Gaddafi sanadkii 2011.

  • Afrika

    06-10-2025

  • 06:09AM

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo Mar Kale Ku Celiyey In Dalkaasi Uu Heli Doono Marin-Badeed  

Hadalka Abiy ayaa imaanaya xilli xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya uu yahay mid xasaasi ah, ka dib markii bishii Janaayo ee 2024.

  • Afrika

    04-10-2025

  • 12:00PM