22 sano kadib, Arsene Wenger oo macsalaameynaya Arsenal

Image

LONDON - Waxaa lagu wadaa in tobabaraha kooxda Arsenal uu ka tago kooxda dhamaadka xilli ciyareedka,waxa uu maamulaha kooxdan ahaa ku dhawaad 22 sano.

Ninkan oo u dhashay dalka Faransiiska ayaa ka tagaya kooxdiisa sanad un ka hor inta uu qandaraaskiisa dhicin .

Kooxda Arsenal ayaa kaalinta lixaad kaga jirta horyaalka Ingiriiska ,iyadoo laga yaaba inay u suurta galiweyso inay cariirsadaan kaalinta afaraad ee xilli ciyaareerkan ee rajadoodii ahayd inay gaaraan horyaalka champion-ka si ay ugu guulaystaan horyaalka Yurub.

Wenger oo 68 sano jir ah ayaa ku guulaystay 3 horyaal ee Ingiriiska iyo 7 koob ee FA,iyadoo uu laba mar ugu guulaystay 1998kii iyo 2002 dii.

"Aad ayaan faraxsanahay inaan hellay fursad aan ugu adeego kooxdaan oo ii leh xasuus aad u badan " ayuu yiri Wenger oo muddo badan wajahayay baaqyo kaga imanayay taageerayaasha kooxda oo ah in uu is casilo.
"Dhammaan dadka jecel kooxda Arsennal waa inay ilaaliyaan qiimaha ay leedahay kooxdaan"

Kooxda Arsenal ayaa sheegtay in la magacaabi doono tobabaro kale sida ugu dhaqsaha badan

Arsenal ayaa barta Twitter-ka ku shaacisay in uu Wenger kooxda ka tagaayo

Shakhsiga ugu saamiyadda badan ee Arsenal oo lagu magacaabo Stan Kroenke ayaa maalinta jimcaha yiri sidaan "waa mid ka mid ah maalmaha noogu adag intii aan ku jirnay ciyaaraha"

Waxa uu ku daray "ujeedada ugu weyn ee aan Arsenal ugu lugta hayn ayaa ah in Arsene in kooxda la qaatay mar xalad walbo"

Waxaa loo magacaabay xilkaan1 bishii October , 1996, waxa uu na haatan yahay qofkii ugu waqtiga dheeraa ee xilkan qabto waxaa uuna wacdaro ka dhigay 823 ciyaarood.

Balse qaar ka mid taageerayasha ayaa Wenger ku kacsanaa labadii sano ee la soo dhaafay ka dib markii ay kooxda kala kulantay natiijo xumo ciyaaraha horyaalka.

Waxa ay kooxda Arsenal ka dambaysaa 33 dhibcood kooxda man united horyaalka oo ku hogaaminaya 87 dhibcood ,waxaa sidookale hoos ka jira kooxda west Brom haysata 21 dhibcood.

Guulihii iyo mashaakilaadkii uu soo maray Wenger

Wenger waxa uu qaaday sadex koobabka Premier League iyo afar koobabka FA loo yaqaano 9kii sano ee ugu horeysay ee uu xilka hayay.

Intii u dhaxaysay 2003-illaa 2004-tii waxa uu noqday maamulihii ugu horeeyay ee koox Ingiriis ah hoggaamiyo, taas oo aanan laga badinin laga soo bilaabo sanadkii 1889-kii.

Markii ay ku guuleysteen koobka FA sanadkii 2005-tii, waxa ay ku qaadatay sagaal sano oo kale in uu qaado koob kale.

Waxa uu la tacaalayay sidii uu uga sii mid ahaan lahaa horyaalka Yurub tan iyo markii ay ka badisay kooxda Barcelona sanadkii 2006-dii.

Markasta waxaa lagu reebaa heerka 16-aad ee is reebreebka muddo 7 jeer ah oo is xigay, iyaga oo sanadkii lasoo dhaafay ee 2017-kii 10-2 gool waji gabax kala hoyday garoonka, waxaana rigooro kaga badisay kooxda Mayern Munich.

Sanadkii 2006-kii ayay kooxda Arsenal u guurtay garoonka Emirates oo lagu dhisay £390m oo lacagta Ingiriiska ah.

Bishii Janaayo waxa uu qaatay Pierre-Emerick Aubameyang , kulana soo wareegay lacag dhan £56m.

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM