​30 sano kadib Cayaar xilli Habeen ah lagu qabtay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Cayaartu waxay maraysa xilli gabo gabo ah iyadoo tartamayaan degmooyinka Waabari iyo Hodon oo kasoo haray  17 kooxood oo kasocday gobolka Banaadir.

Mas'uuliyiin katirsan dowladda iyo shacabka ku nool magaalada Muqdisho ayaa soo buux dhaafiyay garoonka Koonis oo cayaartu iminka kasocota.

3:1 ayay maraysaa natiijada cayaarta, waxaana hogaaminaysa kooxda matalaysa degmada Hodon oo ku cayaaraysa 10 qof kadib markii Kaarka Cas uu qaybtii horeba qaatay mid kamid ah Cayaaryahanadeeda.

Guddoomiyaasha labada Degmo, Hodan iyo Cantoobo

Daqiiqado kooban ayaa ka haray in koobkan loo galbiyo degmada Hodon, waxaana si wadajir ah koobka u daawanaya guddoomiyaasha labada xaafadood ee lagu kala magacaabo Cantoobo iyo Rowdo.

Waa markii ugu horaysay muddo 30 sannadood ah oo xilli habeen ah cayaar Final ah lagu qabto magaalada Muqdisho oo haatan kasoo kabanaysa dagaallo iyo weeraro ku socday muddo kabadan Rubuc Qarni.

Cayaarta ayaa laga daawanayaa baraha bulshada iyo Telefishinada.

Garoonka Koonis oo dhawaan la dhigay Cagaarka Macmalka ah ayaa lagu xiray nalal iyadoo dib u hagaajin lagu sameeyay kahor inta aysan cayaartu ka bilaaban caawa.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa arrintan u arka rajo wanaagsan oo kasoo iftiintay waddanka ay ragaadiyeen colaaduhu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM