60 Sano kadib, Italy oo laga reebay Koobka Aduunka [Sababta + Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Xulka Talyaaniga ayaa markii ugu horeesay mudo 60-sano kadib koobka aduunka isaga hareen kadib markii 0-0 la dhaafi waayeen xulka Sweden.

Isku darka goolasha labada xulka Sweden ayaa 1-0 kusoo baxeen waxaana wado cad lagu diray tababare Ventura, goolhaye Buffon iyo ragga duqoobay ee Talyaaniga la dageen.

Kulankaan qaybta hore waxaa hareeyay muran ku aadan in garsoore Antonio Mateu uu diiday sedex rigoore oo la isku raacay inay sax ahaayeen markii ku cel celiska kaamirada la daawaday.

Jakob Johansson ayaa daqiiqadii 19-aad dhaawac ku baxay waxaana lagu badalay Gustav Svensson ayadoo Sweden uu ka baxay hogaamiye waaya arag ah.

Immobile ayaa ku dhawaaday inuu shabaqa soo taabto daqiiqadii 40-aad kubad dhex ka dhiib ahayd ayuu goolhayaha dhaafsiiyay balse daafacyada Sweden ayaa iska bixiyeen inta aysan shabaqa gaarin.

Talyaaniga ayaa culees saareen daafacyada Sweden daqiiqadihii ugu dambeeyay taasi oo sababtay taageerayaasha San Serio ku sugan inay qeylo iyo sacab bilaabaan.

Florenzi ayaa daafacda Sweden soo dhex jeexay daqiiqadii 45-aad balse halkii uu kubada saaxiibadiisa siin lahaa goosha ayuu abaaray waana laga bad baadiyay laadkii uu riday ee jooga hoose ku socday.

Qaybta hore ee cayaarta kusoo idlaatay 0-0 ayadoo Talyaaniga hurdada ka kaceen daqiiqadihii dambe waxaana qasab ah macalin Ventura inuu wiilashiisa kusii amri doono duulaanka inay Sweden ku hayaan.

Qaybta labaad ee cayaarta Talyaaniga waxay lasoo galeen dar dar dheeraad ah weliba Florenzi ayaa ku dhawaaday inuu shabaqa soo taabto daqiiqadii 53-aad.

Tababare Ventura ayaa hal mar garoonka soo wada galiyay S. El Shaarawy iyo Belotti wuxuuna badalay Darmian iyo M. Gabbiadini daqiiqadii 63-aad si weerarka Talyaaniga usii xoganaado.

Talyaaniga badalkoodii sedexaad ayay sameeyeen waxaana lasoo galiyay Bernardeschi daqiiqadii 76-aad ayadoo la badalay Candreva.

Daqiiqadii 87-aad halmar garoonka San Serio waxay u wada istaageen darbad xoogan oo uu El Shaarawy la helay goosha Sweden balse goolhaye Olsen ayaa si geesinimo ku dheehan u bad baadiyay.

Talyaaniga oo duulaan wadaan waxaa cayaarta lagu daray 5-daqiiqo halka Sweden oo daalan ay ka naxeen garsooraha afaraad daqiiqadaha uu ku daray.

Talyaaniga ayaa koorno heleen cayaarta oo labo daqiiqo harsan xitaa goolhaye Buffon ayaa soo weerar tagay balse kubadii Sweden wey iska difaaceen waxaana darbad goosha kusoo celiyay Jorginho balse banaanka ayay ka martay.

Talyaaniga oo weerar ku jiraan waxay heleen koorno kale cayaarta 15-ilbiriqsi ka harsan waxaana soo tuuray Florenzi xitaa Buffon wuu soo weerar tagay balse kubadii wey qasaartay. 

Garsoore Antonio Mateu cayaarta soo seerigeeda yeeriyay waxayna kusoo idlaatay 0-0 taasi oo sababtay in Talyaaniga gabi ahaanba koobka aduunka isaga hareen.

Sweden waxay bilaabeen dabaal deg aan caadi ahayn madaama ay 1-0 kusoo baxeen isku darka goolasha labada lug waxayna iska xaadiriyeen koobka aduunka 2018 Russia lagu qaban doono.

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM