Abaal marinta xidiga ugu wanaagsan Africa oo caawa la bixinayo

Image

Waxaa caawa magaalada Accra ee caasimada dalka Ghana lagu bixin doonaa abaal marinta ciyaariyahanka ugu wanaagsan qaarada Africa.

Abaal marintan oo ah sanadle ayaa waxaa sanadkan kama danbeysta isugu soo haray ciyaartooyda kala ah Sadio Mane, Pierre-Emerick Aubameyang iyo Mohamed Salah.

Xafladan oo ay soo agaasimaan xiriirka kubada cagta qaarada Africa ee CAF ayaa waxaa lagu bixin doonaa caawa abaal marino la gudoon siino shaqsiyaadkii ugu wanaagsanaa dhanka kubada cagta sanadkaii tagay ee 2017.

Mohamed Salah ayaa ah laacibka ugu cad cad ee ku guuleysan kara abaal marinta xidiga ugu wanaagsan qaarada Africa maadaama uu xili ciyaareedkan sameeyay bandhig loo riyaaqo isla markaana ku soo guuleystay abaal marinta xidiga ugu wanaagsan Africa qiimeynta BCC-da.

Xaflada ayaa caawa fiidkii waxay ka bilaaban doontaa Banquet Hall halka loo yaqaano waxaana ka soo qeyb gali doona shaqsiyeed magac ku leh kubada cagta qaarada Africa iyo mas'uuliyiin ka tirsan CAF.

Abaal marinta xidiga ugu wanaagsan qaarada Africa ayaa waxaa hada difaacanaya Riyad Mahrez uu xulka Algeria katirsan sanadkii 2016 ayuu hantay Premier League taa ayaana ku hogaamisay in loo doorto xidigii ugu fiicnaa Africa sanadka 2016.

18-kii December 2017 ayaa lagu dhawaaqay in Salah, Mane iyo Aubameyang ay isugu soo hareen hardanka loogalayo abaal marinta xidiga ugu wanaagsan qaarada Africa.

Abaal marintan ayaa waxaa horay ugu tartamayay 30 ciyaartooy laakiin codeynta ayaa Sadexdan xidig ka caawisay in ay isugu soo haraan abaal marinta bilada xidiga sanadka ee Africa.

Caadiyan abaal marinta ayaa waxaa codeeya xubno ka tirsan xiriirka kubada cagta qaarada Africa iyo wariyayaal waana abaal marin aan si fudud loogu guuleysan.

Dhanka hablaha ugu wanaagsan kubada cagta qaarada Africa ayaa iyaguna waxaa u tartamayai Asisat Oshoala oo Nigeria u dhalatay , Chrestina Kgatlana oo Koonfur Africa ka soo jeeda Gabrielle Aboudi Onguene. oo Cameroon u dhalatey.

Dhanka kale caawa CAF ayaa bixin doonta macalinkii ugu wanaagsanaa qaarada Africa sanadka 2017 waxaana isugu soo haray abaal marintaasi Gernot Rohr oo Nigeria macalin u ah, Hector Cuper oo Masar maamula iyo L'Hussein Amoutta oo hogaamiya kooxda Wydad Athletic Club.

Ugu danbeyntii CAF ayaa sanadkan shaacisay in aan la bixin doonin abaal marinho horay loogu bixiyay xafladihii ee la soo dhaafay ee kuwan oo kale aha laakiin lama shaacin abaal marinta aan la bixin doonin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM