Akhriso waqtiga la ciyaari doono Koobka Super Cup-ka

Image

Xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay xiliga rasmiga ah ee la ciyaari doono koobka Super Cup-ka Soomaaliya.

Maaliimada Jimcaha ah ee soo aadan ayey xiriirku shaaciyeen in la ciyaari doono koobka Super Cup-ka oo kooxaha Elam iyo Dekeda ay ku wada balasanyihiin.

Koobkan ayaa waxaa wada dheela kooxda soo qaada horyaalka heerka koowaad ee dalka iyo kooxda hanata tartanka Janaraal Daa’uud waana tartan sanadle ah.

Elman ayaa xili ciyaareedkan ku guuleysatay tartanka Janaraal Daa’uud waxaana ciyaarta kama danbeysta ay ku garaaceen kooxda ka socotay heerka labaad ee Jamhuuriya oo ay kaga adkaadeen 1-0.

Dhankeeda Dekeda ayaa ku guuleysatay horyaalka heerka koowaad ee dalka mudo kadib waxaana ay soo qaateen xili ciyaareed dahabi ah oo ay hanteen horyaalka Soomaaliya.

Garoonka Banaadir Stadium ayaa Jimcada soo aadan oo taariikhda ay ku beegantahay 29 December 2017 marti galin doono ciyaarta kama danbeysa Super Cup-ka.

Kooxda kubada cagta ee Banaadir Sports Club ayaa sanad ciyaareedkii la soo dhaafay ku guuleysatay koobka Super Cup-ka oo xiligaasi ay ka adkaadeen kooxda Jeenyo oo xiligan marxalad adag ku jirta markii kooxda ay isaga tageen inta badan ciyaartoodyii kooxdaasi.

Ku dhawaaqistan ayaa ku beegmeysa xili maalmo ka hor garoonka Banaadir Stadium lagu soo gaba-gabeeyay ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo xulka Jubbaland sanadkan loo caleema saaray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM