Alexandre Lacazette oo dhaawac ku seegi kara kulanka Man United

Image

Tababaraha kooxda kubada cagta ee Arsenal Arsene Wenger ayaa ka cabasi qaba in weeraryahanka kooxdiisa Alexandre Lacazette uu seego kulanka sabtida ay la ciyaari doonaan kooxda Manchester United.

Lacazette ayaa xalay dhaawac gumaarka wuxuu ka soo gaaray kulankii kooxdiisa 5-0 ay ugu awood sheegteen kooxda dhawaan heerka labaad ka soo dalacday ee Huddersfield Town.

Lacazette ayaa kooxdiisa wuxuu xalay u dhaliyay goolka furitaanka laakin Laacibka qaranka France ayaa laga saaray ciyaarta kadib dhaawac ka soo gaaray gumaarka waxaana tababare Wenger badalka xidigan uu ciyaarta ku soo daray Olivier Giroud.

Wenger ayaa sheegay in dhaawaca Lacazette ee xiligan soo yeeray uu noqonayo aqbaar u xun kooxdiisa xili uu ku soo wajahanyahay kulan aad xasaasi u ah oo ay la qaadan doonaan kooxda Manchester United kulan ka tirsan horyaalka England.

Dhaqaatiirta kooxda Gunners ayaa la sheegay in baaritaan ay marsiin doonaan xidiga reer France iyagoo cadeyn doona heerka dhaawaca Lacazette uu gaarsiisanyahay iyo mudada uu xidigaasi taam u noqon karo in ciyaaro.

Arsenal ayaa xalay 5-0 waxay ugu adkaadeen kooxda Huddersfield Town ciyaar bandhig heer sare ah ay ka sameeyeen xidigaha gadoodka ka ah kooxda Gunners ee Alexis Sanchez iyo Mesut Ozil.

Gunners ayaa kulankooda ugu soo horeeya waxay la ciyaari doonaan koooxda Red Devills oo haatan dib ay ugu soo laabteen tiro ciyaartooy ah waxaana kulankaasi sabtida soo aadan uu ka dhici doona garoonka Old Trafford ee kooxda Manchester United.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM