​Barcelona oo 39 cayaarood kadib laga badiyay

Image
Image
Image
Image
Image
Image

Cayaar xiiso badnayd oo xalay dhexmartay kooxaha ka dhisan dalka Spain Real Madrid iyo Barcelona, waxaana lagu cayaarayay hoyga kooxda reer Catalans.

Kulankan oo kamid ah cayaarta loo yaqaanno 'el Clasico', ayaa soo afmeeray 39 cayaarood oo aan laga badin kooxdan haysata horyaalka dalkaasi ee Barcelona kadib markii 2:1 afka ciida loogu daray.

Goolasha waxaa kala dhaliyay xitigaha Madrid ee kala ah Cristiano Rolando iyo Karim Mostafa Benzema, halka Barca goolka qura u dhaliyay daafacooda Pique.

Inkastoo laga badiyay kooxdaasi hadana iyada ayaa hogaanka weli haysa waxaa kooxda kusoo xigta ee Atlantico Madrid ka horaysaa 6 dhibcood.

Daqiiqadiihii dambe Real waxay ku cayaaraysay 9 cayaartoy kadib casaan uu qaatay daafacooda Ramos.

Ramos ayaa qaatay jaallihii labaad markii uu khalad ku galay weeraryahanka Barcelona Luis Suarez iyadoo ciyaarta ay tahay barbaro 1-1 ah islamarkaana ay todobo daqiiqo ka harsan tahay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM