Chelsea oo Guul muhiim ah ka gaartay kooxda Newcastle United

Image
Image
Image
Image

Kooxda kubada cagta ee Chelsea ayaa galabta guul muhiim ah ka gaartay kooxda dhawaan soo dalacday ee Newcastle United kulan ka tirsanaa horyaalka England.

Ciyaarta ayaa ka dhacday garoonka Staform Bridge ee kooxda Chelsea ciyaarta ayaana ugu horeyntii ku bilaabatay qaab weerar ah oo labada kooxood ay weeraro xoogan isku qaadeen.

Chelsea oo gurigooda ayaa dar-dar xoogan waday qeybihii ugu horeeyay ee kulanka laakiin wiilasha Newcastle United ayaa qabtay hogaanka kulanka daqiiqadii 12-aad ee kulanka markii shabaqa Blues soo taabtay ciyaariyahan Dwight Gayle.

Blues ayey xaalada ku xumaatay iyagoo durba u kacay raadinta goolka deenta ah lagu lahaa laakiin daqiiqado ka dib xidiga Chelsea Eden Hazard ayaa bar-baraha u keenay kooxdiisa Chelsea.

Ciyaartooyda Chelsea ayaa sii waday duulaankooda xooganaa oo ay ku qaadayeen Newcastle United weeraryahanada Blues ayaana qasaariyay fursado fara badan oo goolal loo filan karay.

Qeybtii hore ee kulanka oo wali socota ciyaartuna garbo simantahay Chelsea ayaa qaaday duulaan aan loo kala harin daqiiqadii 33-aad ee kulanka ayeyna u suurta gashay inay helaan goolkii labaad ee kulanka oo ka Morata oo caawinaad ka helay Victor Moses.

Qeybtii hore ee kulanka ayaa sidaasi ku idlaatay waxaana gool looga harkacayay qeybtii hore ee kulanka kooxda Newcastle United oo goolka la hormartay

Waxaa la isku soo laabtay qeybtii labaad ee kulanka ee kulanka kooxaha ayaa sameeyay badalo ay wax kaga badalayeen qaab ciyaareedkooda garoonka.

Ciyaarta oo sii socotay labada kooxood ayaa si joogto ah isku weerarayay laakiin kooxna kuma dhiiran in ay gaarto goolka kooxda kale oo wax goolal ah la iskama dhalin.

Laakiin daqiiqadii 73-aad ee kulanka Chelsea oo baahi u qabtay shabaqa Newcastle United ayaa heshay goolkii 3-aad ee kulanka waxaana u dhaliyay markale ciyaariyahan Eden Hazard oo gabi ahaan dilay rajadii Jamaahiirta ee Newcastle United ee kulnakaasi.

Ciyaarta ayaa sidaasi ku soo idlaatay Cheslsea aayaana ku awood sheegatay 3-1 waxaana sidaasi ay ku soo gaabiyeen farqiga dhibcaha ay ugu soo dhawaan lahaayeen afarta sare oo kooxdan ay ka maqantahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM