Chelsea oo ku guuleysatay saxiixa Ross Barkley

Image

Kooxda kubada cagta ee Chelsea ayaa ku dhawaaqday in ay heshiis la saxiixatay da’yarka xulka qaranka England iyo kooxda Everton Ross Barkley. 

Chelsea iyo Everton ayaa isku fahmay in 15 Milion uu xidigan ugu dhaqaaqo garoonka Staform Bridge ee kooxda Chelsea waxaana uu noqday saxiixii ugu horeeyay ee Chelsea ay sameyso sanadka cusub.

24 Jirkan heerka caalami ayaa Kooxda ka dhisan London ee Blues u saxiixay heshiis shan sano iyo bar ku heyn doona garoonka Staform Brdige ee kooxda Chelsea. 

Blues ayaa xagaagii la soo dhaafay ku hungowday in ay soo iibsadaan da’yarkan xiligaa oo uu dhaawac qabay, laakiin heshiiskiisa Everton oo lix bilood ay kaga harsantahay ayuu u dhaqaaqay Blues. 

Barkley oo saxaafada la hadlay kadib heshiiskiisa Chelsea ayaa sheegay in xirashada maaliyada Blues ay u tahay riyo u rumowday isla markaana uu aaminsanyahay in uu gali doono waqtigii ugu qurxoonaa xirfadiisa Kubadda cagta. 

Xidigan oo xiran doona nambarka 4-aad ee Chelsea ayaan kooxdiisii hore ee Everton u ciyaarin xili ciyaareedkan cusub balse waxaa loo diwaan galiyay 21 gool oo uu Everton u dhaliyay tan iyo 2011 markaa oo uu ka soo muuqday kooxda 1aad ee Everton. 

Dhanka heerka caalami Barkley ayaa England laba gool u dhaliyay 22 ciyaarood oo uu ka soo muuqday waxaana xulka sadexda libaax lagu naaneyso ee England uu soo matalay koobkii aduunka ee 2014 iyo ciyaarihii Euro 2016 oo France lagu qabtay. 

Imaanshaha Blues ee Barkley ayaa ku soo beegmeysa xili Chelsea ay fadhiso kaalinta 3-aad ee jadwalka horyaalka England isla markaana 16 dhibcood ay ka hooseyso kooxda hogaanka horyaalka England heysa ee Manchester City.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM