Ciyaartooyda Koonfur Galbeed oo afka ciida u daray Kooxda Hirshabeelle

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciyaartooyda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa gaaray guushoodii ugu horeysay ee ciyaaraha maamul-Goboledyada iyo Gobolka Banaadir kadib markii ay galabta 1-0 ku garaaceen ciyaartooyda maamulka Hirshabeelle.

Kulankan ayaa ahaa kulankii labaad ee ciyaaraha maamul-Goboleedyada iyo gobolka Banaadir waxaana uu ahaa kulan aad u xiisa badan oo labada kooxood ay soo bandhigeen kubad aad loogu riyaaqay.
 
Ciyaartan ayaa galabta lahayd xiiso gooni ah maadaama ay ka soo qeyb-galeen madaxweynayaasha labada maamul ee Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed oo kala ah Maxamed Cabdi Waarre iyo Shariif Xasan Shiikh Aadan oo ciyaarta sheeda sare ka daawanayay.
 
Daqiiqadiihii ugu horeeyay ee kulanka ciyaartooyda labada dhinac ayaa waxay isku qaadeen weeraro xoogan laakiin waxay ku guuldareysteen in ay goolal iska dhaliyaan qeybta hore ee kulanka oo ku soo idlaatay bar-baro goolal la,aan ah 0-0 ah.
 
Qeybtii labaad ee kulanka ayaa  la isku soo laabtay ciyaarta waxaana halkeeda ka sii socday weerarada aan kala joogsiga lahayn oo ay isku qaadayeen labada dhinac laakiin ciyaarta ayaa ku sii socotay sideeda.
 
Kadib weeraro xoogan oo labada dhinac si joogto ah ay isugu qaadayeen mar qura ciyaartooyda Koonfur Galbeed ayaa weerar aan loo kala harin ku qaaday shabaqa ciyaartooyda Hirshabeelle ugu danbeyna daqiiiqadii 80-aad ee kulanka ciyaariyahan Cumar Yuusuf Cabdiqaadir oo ka tirsan ciyaartooyda Koonfur Galbeed ayaa gool ku aamusiyay jamaahiirta Hirshabelle.
 
Ciyaartooyda Hirshabelle ayaa xaaladda ay aad ugu xumaatay maadaama xili danbe gool laga dhaliyay waxay qaadeen weeraro ay ku doonayeen  goolka bar-baraha ah laakiin daafacyada Koonfur Galbeed ayaa diiday in shabaqooda gool la taabsiiyo.
 
Ciyaarta ayaa sidaasi ku soo idlaatay waxaana ay ahayd guud ahaan kulankii labaad ee laga ciyaaro tartanka maamul-Goboleedyada iyo gobolka Banaadir gaar ahaan horinta A oo ay horay kulan ka tirsan u wada ciyaareen maamulka Jubbaland iyo ciyaartooyda gobolka Banaadir.
 
Maamulka Hirshabelle ayaa gudoomay guuldaradii ugu horeysay ee tartanka laakiin tartanka ayaa ah wali mid furan waxaana ciyaartooyda Hirshabeelle oo niyad dhis ka heysta hogaamiyaha maamulkaasi u harsan kulamo dhowr ah oo ay tartanka ka ciyaari doonaan.
 
GAROWE ONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM