Gareth Bale oo Heshiis horudhac ah la gaaray Manchester United

Image

Sida laga soo xigtay wargeyska Isbaanishka Diario Gol Xiddiga kooxda Real Madrid Gareth Bale ayaa la soo warinayaa in uu qandaraas horudhaca la galayo kooxda Man United si uu Janaayo kooxdaasi ugu biiro.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Los Blancos ay soo bandhigtay in xiddiga reer Wales ee Bale aysan faaiido ku qabin ka dib markii uu si joogta ah dhaawacyo ninkan ay u gaarayeen taasoo keentay in uu 14 kulan oo xiriir ah u ciyaaro intii lagu guda jiray afartii sanno ee uu kooxda la joogay.

maamulka sare ee Real Madrid ayaa la sheegay in ay doonayaan in ay yareeyaan khasaarahoodii 28-jirkaan, waxaana rajeynayaa in ciyaaryahanka uu ka tagi doono kooxda heysata horyaalka Spain xagaagaan.

Manchester United ayaa muddo dheer lala xiriirinayay inay u dhaqaaqi doonto Bale, sida ay sheegayaan wararka kasoo baxaya Spain, kooxda ka dhisan Premier League ayaa heshiis horudhaca la gaareysa Gareth Bale.

Heshiiska, oo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin ayaa waxaa kaliya harsan in labada kooxood ee Red Devills iyo los Blancos ay ku heeshiiyaan lacagta Bale Old Trafford ku imaan doono Janaayo.

Warbixinta ayaa soo jeedineysa in madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez uusan dooneynin inuu hoos u dhigo qiimaha uu ku doonayo in Bale uu isaga iibiyo oo ah € 90m halka Jose Mourinho iyo kooxda Old Trafford ay ku doonayaan xidigan lacag dhan € 60m.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM