Hordhaca Kulanka Arsenal iyo Manchester United

Image

Kooxaha Arsenal iyo Manchester United ayaa caawa kulan aad u xiisa badan ku wada ciyaari doona garoonka Emirates ee kooxda Arsenal.

Kulankan ayaa kamid ah kulamada 15-aad ee todobaadkan laga ciyaariyo horyaalka Premier League Manchester United ayaa caawa u baahan in ay guul ka gaartod Gunners oo Emirates ku ciyaari doonta.

Arsenal ayaa 12-kii kulan ee ugu danbeysay ay ku ciyaareen gurigooda Emirates aan dhibco qasaarin iyagoo caawa hadii ay garaacaan Red Devills soo gaabin doona farqiga dhibcaha ay ka hooseyaan Manchester United.

Wararka labada kooxood

Manchester United ayaa kulanka caawa suura gal ay tahay in ay waayaan xidiga qadka dhexe ee qaranka Serbia Nemanja Matic oo dhaawac uga baxay ciyaartii Watford.

Maroune Fellaini ayaa isna si rasmi ah u seegi doona kulanka kooxdiisa ay caawa Emirates ay kula ciyaari doonaan Arsenal isagoo qaba dhaawac horay u soo gaaray.

Arsenal ayaa si rasmi waxaa kulankan kaga maqnaan doona ciyaariyahan Alexandre Lacazette oo dhaawac uu soo gaaray kulan kooxdiisa bartamaha isbuucii la soo dhaafay ay la ciyaartay kooxda Huddersfield Town.

Alexis Sanchez ayaa si buuxda ugu diyaarsan in uu caawa ka hortago kooxda Manchester United isagoo bandhig wanaagsan ka sameeyay kulankii bartamaha isbuuca kooxdiisa ay ciyaartay.

Shaxda macquulka ah ee Arsenal:Cech; Koscielny, Mustafi, Monreal; Bellerin, Ramsey, Xhaka, Kolasinac; Ozil, Giroud, Alexis Sanchez

Shaxda macquulka ah ee Man United: De Gea; Young, Rojo, Smalling, Valencia; Pogba, Matic; Rashford, Lingard, Mata; Lukaku

Xogta kulanka

Kulanka: Arsenal vs Man United

Horyaalka: Premier League

Waqtiga: 8:30

Garoonka: Emirates Stadium

Garsoorka: Andre Marriner

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM