Hordhaca Kulanka Xiisaha Badan ee Barcelona iyo Valencia

Image

GO SPORTS - Kooxaha ugu sareeya jadwalka kala sareynta horyaalka Laliga ee dalka Spain ayaa caawa wada ciyaari doona kulan xasaasi oo ka dhici doona garoonka Mestalla ee kooxda Valencia.

Kooxda ugu sareysa  jadwalka Laliga ee Barcelona ayaa caawa booqan doonta garoonka Mestalla halkaas oo ay ugu martin doonaan kooxda Valencia.

Valencia ayaa fadhisa kaalinta 2-aad ee kala sareynta horyaalka Spain Valencia ayaa ku jirta qaab ciyaared aad u wanaagsan mana qasaarin hal kulan kamid ah kulamada xagaagan cusub ee Laliga.

Wararka ka cusub labada kooxood

Valencia ayaa caawa weyn doonta tababaraheeda Mareclino laakiin kooxdaasi ayaa waxaa caawa maamuli doona tababare ku xigeenka kooxda Valencia.

Madaxwenaha kooxda Valencia Anil Murthy ayaa caawa sheeda ka daawan doona ciyaarta xiisaha badan ee kooxdiisa ay la qaadan doonto Barcelona.

Valencia ayaa waxaa caawa ka maqnaan doona daafaca lagu magacaabo Jeison Murillo laakiin ciyaariyahan  Ezequiel Garay ayaa booskaasi ku soo bilaaban kara.

Barcelona ayaa caawa ku qasbanaan doonta in ay safaan ciyaariyahan Thomas Vermalen isagoo safan kara kulankiisii ugu horeeyay ee horyaalka Laliga maadama ay kooxdaasi caawa ka maqanyihiin Mascherano iyo Gerrard Pique.

Xidiga weerarka uga ciyaara ee Barcelona Paco Alcacer ayaa caawa ka hortagi kara kooxdiisii hore ee Valencia isagoo ka garab ciyaari doona Luis Suarez iyo Lionel Messi oo dhawaan heshiis cusub kooxda u saxiixay.

Valencia ayaa adkaatay 2 kamid ah 3-dii kulan ee ugu danbeyay oo Laliga ah oo ay booqdaan Camp Nou laakiin wali Valencia ayaa gurigooda kaga adkaadaan Barcelona tan iyo xili ciyaareedkii 2007/2008 markaa oo 3-2 ay uga adkaadeen Barcelona.

Kulankan ayaa ah mid aad u xiisa badan waxaana wada ciyaaraya 2 kooxood oo an la garaacin kulamada Laliga ee xagaagan waana kulamadii 13-aad ee horyaalka Laliga.

Shaxda macquulka ah ee Valencia: Neto, Montoya, Garay, Paulista, Gaya, Soler, Parejo, Kondogbia, Guedes, Rodrigo iyo Zaza.

Xidigaha ka maqnaan kara Valencia: Murillo, Javi Jimenez, Maksimovic Marcelino.

Shaxda macquulka ah ee Barcelona: Ter Stegen, Semedo, Vermaelen, Umtiti, Alba, Rakitic, Busquets, Iniesta, Messi, Alcacer iyo Suarez.

Xidigaha ka maqnaan kara Barcelona:

Arda, Rafinha, Sergi Roberto iyo Gomes, 

Xogta Kulanka

Kooxaha: Barcelona vs Valencia

Horyaalka: Laliga Spain

Waqtiga: 10:45

Garoonka: Mestalla Stadium

Garsoorka: Iglesias Villanueva

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM