Horudhaca kulanka Xiisaha badan ee Puntland iyo Gobolka Banaadir

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Garoonka Banaadir Stadium dagmada Cabdulcasiis ee gobolka Banaadir ayaa galabta marti galin doona kulan ciyaareed aad u xiisa badan oo u dhexeeya ciyaartooyda maamulka Puntland iyo kuwa gobolka Banaadir.

Kulankan waa furitaanka wareega 4 dhamaadka tartanka maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir waxaana kulanka ugu horeeya galabta is arkaya xulalka gobolka Banaadir iyo maamulka puntland.

Ciyaartooyda gobolka Banaadir waxay ku soo bexeen kaalinta koowaad ee horinta A iyagoo aan dhibic qura soo qasaarin waxaana marxalada horinta ay ka soo ciyaartay laba kulan oo ay ka adkaatay ciyaartooyda maamulada Jubbaland iyo kuwa Galmudug.

Si lamid ah ciyaartooyda Puntland oo difaacanaya tartanka wali ma aysan qasaarin 3 dhibcood laakiin laba kulan oo ay la soo ciyaareen Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed waxay soo galeen bar-baro galabta ayeyna mari doonaan tijaabada ugu culus ee tartanka.

Tartanka ayaa soo gaaray qeybihii ugu xiisaha badnaa waxaana bilaaban doona kulamada bug-baxda oo koox walba ooh al kulan qasaarta ayaa tartanka macsalaameyn doonta.

Ciyaartooyda gobolka Banaadir ayaa sanadkan garoomada waxay la yimaadeen bandhig aan horay looga baran mana jirto hal dhibic oo ay qasaariyeen tan iyo bilawga tartanka halka ciyaartooyda Puntland ay iyaguna sameynayaan bandhig bar-baro ku saleysan oo aan guul lahayn waxaana ay dhamaan kulamada sandkan ay ka ciyaareen tartanka ay soo galeen bar-barooyin.

Dhinacii galabta libinta raacda waxay si toos ah isaga xaadirin doonaan kama danbeysta ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir waxaana ay kama danbeysta ku sugi doonaan dhinacii soo adkaada midkood Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo iyaguna kulan xiisa badan uu dhexmarayo maalinimada Jimcada ah ee soo aadan ayaa lagu wadaa in tartanka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir lagu soo gaba-gabeeyo magaalada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM