Isku aadka Tartanka Maamul Goboleedyda dalka oo la soo saaray

Image

Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumada Soomaaliya ayaa soo saartay isku aadka tartanka maamul goboleedyada dalka oo 7-da bishan ka furmaya magaalada Muqisho.

Isku aadka ayaa wuxuu ka koobanyahay 2 horin oo kala ah A iyo B, iyadoo horin waliba wada galay 3 kooxood maadaama tartanka ay ka qeyb galayaan 6 kooxood.

Horinta koowaad ee A ayaa waxaa nasiib u yeeshay in ay wada galaan kooxaha Jubbland, Banaadir iyo Galmudug oo sanadkii la soo dhaafay tartankan qeybaha dhexe lagu reebay.

Horinta labaad ee B ayaa waxaa wada galay kooxaha Hishabeelle, Koonfur Galbeed iyo Puntland oo tartankan difaacneysa isla markaana sanadkii hore ka adkaatay ciyaartooydii matalayay maamulka Jubbaland.

Magaalada Muqdisho ayaa sanadkii labaad oo xiriir ah marti galineysa dhacdo ciyaareedkan oo ah mid aad u xiisa badan waxaa horay lagu madalsanaa in tartanka sanadkan uu ka furmo magaalada Kismaayo laakiin suurtagali waysay.

Waxay ka dambaysay arintan markii Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha mamaulka Jubbaland ay sheegtay in Kismaayo aysan u diyaarsaneyn marti galinta tartankan, sidaasi darteedna codsatay in lagu qabto magaalada Muqdisho.

Tartanka maamul goboleedyada dalka ayaa la filayaa in todobaadkan uu ka furmo magaalada Muqdisho waxaana kulanka ugu horeeya ee tartanka sanadkan foodda is dari doona Ciyaartooyda Banaadir iyo kuwa Jubbaland

Akhriso Sida ay isugu beegmaan Kooxaha Kubadda cagta ee maamulada.

Guruub A: Jubbaland, Banaadir iyo Galmudug

Gurub B: Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Puntand.

Kulanka ugu horeeyay waxaa la filayaa inay ciyaaraan Kooxaha Banaadir iyo Jubbaland maalinta Jimcaha ee soo socota.

Jadwalka ciyaaraha:

Garowe Online

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM