Isku aadka Wareega 16-ka Champions ee Legaue oo la soo saaray

Image
Image
Image
Image
Image

Waxaa dhawaan magaalada Nyon ee dalka Switzerland lagu sameeyay isku aadka wareega 16-ka ee Champions League oo ay ka soo bexeen kulamo xiisa badan.

Isku aadka ayaa waxaa ka soo baxay kulamo lama filaana oo yeelan doona xiisa gooni ah sida kulanka u dhexeeya Paris Saint-Germain iyo Real Madrid oo ah kooxaha sanadkan Champions Legaue looga cabsi qabo in ay qaadaan.

Sidoo kale isku aadka ayaa waxa uu lahaan doonaa xiiso badan maadaama 5 kooxood oo England ka socota ay xaadir ku yihiin wareega 16-ka ee Champions Legaue waana markii ugu horeysay mudo kadib kooxaha England ka dhisan sidan ay Champions League kaga soo dhexmuuqdaan.

Kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League ee Chelsea ayaa ku beegantay isku aad aan fududeen waxaana ay qoorta u galeen kooxda Barcelona oo sanadkan olole xoogan ku jirta waana midkamid ah kulamada ugu xiisaha badan ee ka soo baxay isku aadka wareega 16-ka ee Champions League.

Manchester City oo heysa hogaanka horyaalka Premier League ayaa iyana waxay ku beegantay koox loo badinayo in ay ka soo bixi karaan oo ah FC Basel waana isku aad u fudud tababare Guardiola oo Kooxdiisa Manchester City.

Kooxda Liverpool ayaa waxay iyaguna ku beegmeen kooxda ka dhisan Portugal ee FC Porto waxaana liverpool hortaalla howl culus maadaama FC Porto ay si wanaagsan ay kaga soo bexeen horinta G oo ay kaalinta labaad uga dhameysteen.

Manchester United ayaa ku beegantay kooxda reer Spain ee Sevilla waxaana loo badinayaa in Manchester United ay ka soo bixi karaan Sevilla marka dib loogu laabto xawaaraha ay kaga soo bexeen horinta A.

Tottenham Hotspur ayaa ku waxay wareega 16-ka ee Champions League la ciyaari doonaan kooxda difaacaneysa horyaalka Talyaaniga ee Juventus waana kulan xiisa badan oo labada kooxood hardan culus uu dhexyaalo.

Sidee ayey kooxuhu isugu beegmeen wareega 16-ka ee Champions League?

Kulamadan ayaa waxaa la ciyaari doona lugta koowaad bisha February ee 2018 halka lugta labaad la ciyaari doono bisha March ee 2018.

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM