Kooxda Leicester oo la gudoonsiiyey koobka horyaalka Ingriiska

Image
Image
Image
Image
Image

Kooxda Leicester ayaa la gudoonsiiyey horyaalka kubadda cagta ee dalka Ingriiska kadib markii Everton kaga badiyeen aqalkooda.

Leicester ayaa cayaar ka tirsan is-araga horyaalka Ingriiska kaga kor talaabsadey 3:1 kooxda Everton. 

Labo goolashaan kamid ah waxaa kooxda Leicester u dhaliyey cayaaryahanka weerarka uga cayaara Vardy halka goolka kale uu dhaliyey King. 

Kooxda Everton ayaa daqiiqadii 88aad waxaa gool kaliya u dhaliyey Mirallas. 

Koobka horyaalka Ingriiska ayaa waxaa gudoomey maalqabeenka iska leh kooxda Leicester ee u dhashey dalka Thailand Vichai Srivaddhanaprabha iyo tababaraha Claudio Ranieri.

Horyaalka Ingriiska ayaa cayaarihiisa ugu dambeeya waxaa ay dhacayaan May 15, 2016 iyadoo loo kala tartamayo kaalimaha labaad, sadexaad, Afraad iyo kuwa kale halka dagaal adag ka dhexeeyo kooxda Aston Villa iyo Newcastle kuwasoo ka baqaya iney ka haraan tartanka bilaami doona 2016/2017.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM