Leicester City oo ku guulaysatay horyaalka Ingiriiska

Image

Kooxda Leicester City ayaa ku guulaysatay horyaalnimada Ingiriiska, tanina waxay noqonaysaa mid ka mid ah taariikhaha ugu waawayn ee dhanka ciyaaraha.

Barbarihii 2 iyo 2 ahaa ee Tottenham ay la gashay Chelsea ayaa sababtay guushaas cajiibka ah ee ay gaartay kooxda uu hogaamiyo tababare Claudio Ranieri.

Rajada Leicester ay ka qabtay koobka bilawgii xilli ciyaaraadka ayaa ahaa shan kun oo meeloodaw meel, xilli ciyaareedkii horana waxayba ku sigteen in ay ka mid noqdaan saddexda kooxood ee u dhibca hooseeya ee laga eryo horyaalka Ingiriiska. 

Waxaa laga badiyay saddex ciyaarood xilli ciyaareedkan taas oo lagu tilmaamay wax cajiib ah. Kooxaha ugu soo dhawaa ee Spurs, Arsenal, Manchester City iyo Manchester United iyo Kooxda Chelsea oo koobka difaacanaysay ayaan midkoodna u soo dhawaanin kooxda lagu naanayso dawacooyinka ama Foxes.

BBC

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM