Liverpool oo ku Guuleysatay saxiixa Virgil van Dijk

Image

Liverpool ayaa ku dhawaaqday saxiixa daafacii Southampton Virgil Van Dijk oo aduun dhan 75 Milion ku yimid garoonka Anfield.

Reds ayaa xidigan aad u dooneysay xagaagii la soo dhaafay laakiin kooxda Jurgen Klopp ayaa lagu soo eedeeyay in ay qaab sharci darro ah kula wareegi rabtay xidigaasi.

Manchester City iyo Chelsea ayey Liverpool kaga guuleysatay saxiixa Virgil Van Dijk waxaana uu raacay xidiga hamigiisa oo ahaa in uu ka ciyaaro Anfield sida uu sheegay.

Telegraph ayaa daabacday in kooxaha Liverpool iyo Southampton ay isla meel dhigaan heshiiska xidigaasi uu kaga soo tagay kooxda St Marry ku ciyaarta waxaana lagu kala iibsaday 75 Milion.

Van Dijk ayaa ku guuleystay tijaabada caafimaadka ee Liverpool waxaana uu sidaasi uga mid noqday Liverpool laakiin ciyaariyahanka ayaa si rasmi ah heshiiskiisa uu u dhici doonaa Janaayo walow haatan wax ku noqosho ah heshiiska uusan ku jirin hadana wali lama gaarin xiliga uu suuqa furmay.

“waa sharaf ii soo hoyatay in aan u ciyaaro mid kamid ah kooxaha ugu weyn dunida waan ku faraxsanahay deegaanka cusub” ayuu Van Dijk ku soo qoray bartiisa Bulshada.

“Waxaan sugi la’ahay xiliga ugu horeeya ee aan garoonka la soo gali doono maaliyada caanka ah ee gaduudan ma qiyaasi karo waxa aan dareemi doono”.

Van Dijk kama soo muuqan 3dii kulan ee ugu danbeysay kooxdiisa Southampton waxaa sidoo kale xidigan uu ka maqnaa ciyaartii dhawaan kooxdiisa qasaaro 5-2 kala kulantay kooxda Spurs.

Imaanshaha daafacan heerka caalami ee xulka Holland ayaa ku soo beegmeysa xili Liverpool dhibaato xoogan ay ka heysto waaxda difaaca oo kooxdaasi ay aad ugu liidato laakiin Reds ayaa aaminsan in Van Dijk uu difaaca kooxda wax ka badali doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM