Maxaa laga filan karaa macalinka cusub ee Arsenal? [SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image
Image

Arsenal ayaa Arbacadii lasoo dhaafey waxay Unai Emery umagacowday macalinka cusub ee taliska kooxda la wareegi doona fasal ciyaareedka soo socda, isagoona bedali doona Arsena Wenger, kaasoo xilkaan baneeyay 22-sano kadib.

Emery waa 46-sano jir ku dhashay magaalada Hondarribia oo ku taala woqoyga dalka Spain, gaara ahaan xadka dalka Faransiiska, sanadku markuu ahaa 1971 November 3-deeda.

Caawiyaha macalinka Man City, ahna xidig hore oo Gunners ah Mikel Arteta ayaa mid si xoogan ugu cad-cadaa inuu bedalo Wenger, laakiin Emery, waxay maamulka sare ee Arsenal udoorteen inuu la wareego maamulka kooxdaan woqoyga London ka dhisan.

Wuxuu hogaamin doonaa Arsenal oo duni cusub gelaysa markii uu ka tegay 68-sano jir Wenger, kaasoo ku guuleystay Saddex Premier League ah iyo Todoba jeer oo FA Cup ah, oo a ku jiraan labo jeer oo xiriir ah.

"Waxaan aad ugu faraxsanahay in la siiyo mas'uuliyadda ah in ay bilowdo cutubkan cusub ee muhiimka ah ee taariikhda Arsenal," ayuu yiri Emery.

"Waan ku faraxsanahay in aan ku biirayo mid ka mid ah kooxaha waa weyn kubada cagta. Arsenal waan ku jeclahay hanaanka ay udheesho, soo saarista da’yaro cusub, garoonkeeda, iyo sida kooxda loo horumariyo,” ayuu raaciyay.

"Waan ku faraxsanahay waxa aan wada sameyn karno, waxaana rajeynayaa inaan qof walba oo jecel Arsenal u jecel yahay daqiiqado qaas ah iyo xusuuso qaas ah."

- Wax-qabadkiisa - 

Emery ayaa bishii hore ku dhawaaqay inuu ka tagayo PSG marka qandaraaskiisa uu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan, inkastoo ay hogaanka u hayeen horyaalka Ligue 1.

Intii lagu guda jiray labo sano oo uu la joogay kooxda Faransiiska, sidoo kale wuxuu ku guuleystay afar koob oo gudaha ah, isagoo kaga soo biiray kooxda Sevilla sannadkii 2016.

Wuxuu ahaa ciyaaryahan Khadka dhexe ka dheela, kaasoo soo maray kooxaha Real Sociedad iyo Toledo, halkaasoo uu kasoo bilaabay xirfada macalinimada, ka hor inta uusan qaban kooxaha Almeria iyo Valencia, halkaas oo uu uga soo wareegay Sevilla 2013-kii.

Sevilla wuxuu lasoo qaaday saddex jeer koobka Europa League oo waliba xiriir ah, sidoo kale kaalinta labaad oo ka galay koobka Copa del Rey xagaagii 2015-16 oo ay hanatay Barcelona.

Hadda wuxuu bilaabi doonaa dib-u-dhiska Arsenal kadib markii ay xagaagan kaalinta Lixaad uga dhameysteen kaalinta Lixaad, tayadiisa iyo hanaankiisa tababar waa waxay ubaahan tahay Gunners-ka si uu kooxda usoo kacdo.

 - Maxaa laga filan karaa? - 

Julien Laurens oo ah Khabiir kubada cagta ah oo ka tirsan BBC Sporta ayaa wuxuu tilmaamay in Emery uu yahay mid wax badan kusoo kordhin kara Gunners-ka, isagoona tusaale ahaan usoo qaatay guulihii uu soo gaaray intii uu PSG la joogay.

Laakiin, Laurens wuxuu cadeeyay in guul uu gaaro macalinka Emery ay ku xiran tahay hanaanka ay ula shaqeeyaan ciyaartoyda, kuwaasoo uu sheegayo in mudooyinkii dambe uu ahaa muuqaal ciyaareedkooda kuwa liita.

“Hadii ciyaartoyda Arsenal sameeyaan waxa uu isaga doonayo, waxay ku guuleysan karaan Europa League, maxaa yeelay wuxuu kusoo sameeyay Sevilla,” ayuu hadalkiisa kusoo koobay Fallanqeeye sarre Julien Laurens oo BBC Sport ka tirsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM