Mo Farah oo goobjoog u noqday guuldarradii Arsenal

Image
Image
Image

Orodyahanka asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya balse heysta dhalashada Britain ee Mo Farah ayaa xalay kamid ahaa shaqsiyaad caan ah oo ku sugnaa garoonka Emirates oo daawaday ciyaartii dhexmartay Arsenal iyo Manchester United.

Arsenal ayaa xalay Manchester United kulan xasaasi ah kula ciyaartay garooka Emirates waxaana ay guul darro xanuun badneyd ka gudoomeen wiilasha Jose Mourinho.

Kulankan oo ka dhacay woqooyiga London ayaa waxaa xalay u soo daawashon tagay dhowr qofood oo dunida caanka ah waxaana dadkaasi kamid ahaa orodyahanka heerka caalami ee Mo Farah.

Mo Farah ayaa taageero buuxda u haya kooxda ku ciyaarta Emirates Stadium ee Arsenal waxaana xalay uu goob joog ka ahaa xasuuqii Gunners loogu geystay gudaha garoonka Emirates.

Inta ay socotay ciyaartii dhexmartay Arsenal iyo Manchester United shaashadaha ayaa mar qura waxay soo qabteen orodyahanka Mo Farah oo sheeda sare ka daawanaya ciyaarta xiligaa oo ahayd mid aad u xasaasi ah.

Manchester United ayaa xalay si fudud uga gudubtay kooxda Arsenal oo aan 12 kulan gurigooda looga adkaan waxaana warkaasi soo afjartay kooxda Manchester United oo xalay ka talaabsatay Gunners oo Emirates joogta.

Guushii xalay Manchester United ay ka gaartay Gunners ayaa ka dhigan in Jose Mourinho ay soo gaabiyeen faqriga dhibcaha ay u jireen kooxda hogaanka horyaalka England ee heysa ee Manchester City.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM