Muqdisho oo Caawa marti-galineysa kulan ciyaareed xiiso leh

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Magaalada Muqdisho ayaa caawa mudo kadib markii 2-aad xilli habeen ah marti galinaysa kulan ciyaareed aad u xiisa badan.

Garoonka Banaadir Stadium oo ku yaalla degmada Cabdi Casiis ayaa caawa waxaa kulan xiiso badan ku wada ciyaari doona xidigaha ka socda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Melbourne iyo ciyaartooyda gobolka Banaadir.

Kulankan oo ah mid saaxibtinimo ayaa la filayaa in caawa fiidkii uu ka bilowdo garoonka Banaadir Stadium ex Koonis.

Ciyaartooyda gobolka Banaadir ayaa maalmihii ugu danbeeyay ku jiray diyaar-garoow xoogan oo ay isugu diyaarinayaan tartanka dowlad goboleedyada dalka oo Kismaayo ka furmi doona bisha December.

Dhankooda xidigaha ka socda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Melbourne ayaa iyaguna todobaadkan soo gaaray Muqdisho iyagoo kulamo saaxibtinimo la soo ciyaaray kooxda Banaadir Sports Club iyo ciyaartooyda degmada Waaberi.

Ciyaartoyda ka socota Melbourne ayaa labada kulan oo ay soo ciyaareen waxay haystaan 3 dhibcood oo ay ka qaateen xidigaha degmada Waaberi halka iyaguna guuldaro ay ka gudoomeen kooxda Banaadir Sports Club.

Sida uu xaqiijiyay gudoomiyaha ciyaaraha gobolka Banaadir, Xasan Xaaji Aadan Yabaroow Wiish ciyaarta caawa ayaa billaaban doonto saacada marka ay dul joogsato 6:30 oo fiidnimo, Waqtiga Geeska Africa.

Waa markii labaad oo mudo kadib Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho xili habeen ah ay marti galinayso kulan ciyaareed aad u xiisa badan wixii ka dambeeyay burburkii dalka 1991.

Muqdisho ayaa la xasuustaa in 8-dii September ee sanadkan markii ugu horeysay mudo 20 sano ka badan ay marti galisay kulan ciyaareed xili habeen ah waxaana ay marti galisay kama danbeystii koobka degmooyinka gobolka Banaadir oo degmada Waaberi loo caleema saaray.

Xiriirka kubada cagta aduunka ee FIFA ayaa amaanay qaabkii xili habeen ah loo qaabtay kama danbeystii tartanka degmooyinka gobolka Banaadir iyagoo hambalyo u diray xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed iyo maamulka gobolka Banaadir.

Kulanka oo ah mid aad u xiisa badan ayaa la filayaa in ay ka soo qeyb galaan kumanaan taagerayaal ah oo u kala sacab tumi doona xidigaha gobolka Banaadir iyo ciyaartooyda ka socota jaaliyadda Soomaaliyeed ee Melbourne.

Xasan Xarago oo ah gudoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee Melbourne aya sheegay in dhaqaalaha ka soo baxa kulamada ay ciyaareen xidigaha ka socda Melbourne lagu caawin doono dadkii wax ku waxyeelobay weerarkii 14-kii October ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kulanka caawa ayaa noqon doona kulankii ugu danbeeyay oo ay Muqdisho ku ciyaaraan waxaana ay dib ugu laaban doonaan magaalada Melbourne ee dalka Australia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM