Muxuu ku soo dhamaaday kulankii dhexmaray Hirshabeelle iyo Puntland?

Image
Image

Ciyaartooyda maamulka Hirshabeelle iyo kuwa Puntland ayaa galabta ciyaar xiisa badan ku wada qaatay garoonka Banaadir Stadium laakiin labada dhinac ayaa waxay isla dhaafi waayeen bar-baro 3-3 ah.

Kulanka oo ahaa  mid xiisa badan ayaa waxa uu ka tirsanaa horinta B waxaana ka soo qeyb galay taagerayaal fara badan oo labada dhinac aad ugu sacab tumayay.

Wiilasha Puntland ayaa daqiiqadihii ugu horeeyay ee kulanka ku guuleystay in ay soo taabtaan shabaqa Hirshabelle waxaana goolka koowaad ee Puntlad ay uga mahadceliyeen ciyaariyahan Yacquub Cusmaan Maxamed oo gool qurxoon dhex-dhigay shabaqa Hirshabeelle.

Xidigaha Hirshabelle ayaa durba waxay bilaabeen duulaan xoogan oo ay ku doonayaan goolka bar-baraha ah in ay ku soo gudaan laakiin daafacyada Puntland ayaa arintaasi ka biyo diiday.

Weeraryahanada Puntland ayaa waxay mar qura weerar xoogan ay ku qaadeen goolka Hirshabelle kubad ay isku soo dhiibeen weeraryahanada Puntland ayaa waxaa goolka Hirshabelle ku hubsaday ciyaariyahan Maxamed Jaamac Maxamed.

Jamaahiirta Hirshabelle ayaa aad xaalada ay ugu xumaatay waxaana ay niyada galiyeen in ciyaarta ay dhinacooda ka wareegatay laakiin ciyaariyahan Cali oo ka tirsan xidigaha Hirshabelle  ayaa gool qura u dhaliyay Hirshabelle isagoo fadhiga ka kiciyay jamaahiirta Hirshabelle oo aad uga xumaa waxa garoonka ka socday.

Ciyaarta ayaa sidaasi ku soo idlaatay qeybtii hore ee kulanka ciyaartooyda Hirshabelle ayaana looga horkacayay 2-1 oo qeybtii hore la iska dhaliyay.

Markii leysku soo laabtay xidigaha Hirshabelle oo uu la soo hadlay tababare Cabdi (Kuus) ayaa ciyaarta waxay ku soo galeen qaab ciyaareed wanaagsan  waxayna  la yimaadeen 2 gool oo deg-deg ah waxaana Hirshabeelle goolashaasi  u saxiixay ciyaariyahan lagu magacaabo Cabdi Risaaq Axmed Maxamed (Qanciye).

Taagerayaasha Hirshabeelle ayaa sare u kacay intaa wixii ka danbeeyay guud ahaan cirifyada garoonka waxaa ka bilawday sawaxn lagu taagerayo xidigaha Hirshabelle oo sameeyay soo laabasho cajiib ah.

Kulanka ayaa intaa kadib isku badalay mid lakala cabsado maamadam labada dhinac goolal isku mid ah ay kala dhaliyeen laakiin waxaa wali sii socday weerarada xidigaha Hirshabelle oo taageero iyo dhiira galin buuxda helayay.

Ciyaarta ayaa waxaa la soo gaaray daqiiqadihii dhamaadka weeraryahanada Puntland ayaa waxay la yimaadeen goolka bar-baraha ah oo uu jamaahiirta Hirshabelle kaga naxsaday xidiga lagu magacaabo Farxaan oo ka tirsan ciyaartooyda Puntland.

Guud ahaan kulanka ayaa sidaasi ku soo idlaatay waxaana Puntland ay sanadkan ciyaaraha dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir maadaama kulankii ugu horeeyaya ay taako kala kulmeen xidigaha Hirshabelle.

Kulankii galabta ee dhexmaray Hirshabelle iyo Puntland ayaa waxa uu ahaa kulankii ugu horeeyay ee tartanka maamul goboleedyadda ee kusoo dhamaada bar-baro sidoo kale waa kulanki ugu horeeyay ee leyska dhaliyo Tiro intaasi la eg oo goolal ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM