Muxuu ku soo dhamaaday kulankii Puntland iyo Koonfur Galbeed?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa galabta garoonka Banaadir Stadium ka dhacday ciyaar aad u xiisa badan oo u dhexeysay ciyaartooyda maamulada Puntland iyo Koonfur Galbeed.

Ciyaarta ayaa waxay ku soo idlaatay 1-1 oo labada kooxood ay dhibcaha qeybsadeen waxaana horinta B sidaasi kaga soo baxay labada kooxood ee kala ah Puntland iyo Koonfur Galbeed.

Kulanka ayaa wuxuu ku bilaawday qaab weerar iyo weerar celis ah oo labada dhinac ay isku qaadeen weeraro xoogan oo goolal ay iskaga doonayeen laakiin ciyaartooyda Koonfur Galbeed ayaa ku hormaray goolka waxaana u dhaliyay ciyaariyaha n Cabdulaahi oo xirta lambarka labaad ee xulka Koonfur Galbeed.

Xidigaha Puntland ayaa bilaabay weeraro ay ku doonayeen in goolka deynta ah ay isaga soo gudaan laakiin daafacyada Koonfur Galbeed ayaa dhexda u xirtay in shabaqooda aan gool la gaarsiin ciyaarta ayaana qeybtii hore ku soo idlaatay 1-0 oo xidigaha Puntland looga horkacayo.

Intaa kadib waxaa leysku soo laabtay qeybtii labaad ee kulanka labada dhinac ayaa waxay sameeyeen badalo ay wax kaga badalayeen qaab ciyaareedkooda laakiin durba markii laga soo laabtay ciyaartooyda Puntland ayaa waxay heleen goolka bar-baraha waxaana u dhaliyay ciyaariyahanka lagu magacaabo Maxamuud oo shabaqa Koonfur Galbeed dhex-dhigay kubad aad u qurxoon.

Kulanka ayaa waxa uu sidaasi ku noqday garbo siman jamaahiirta Puntland oo garoonka aad u soo camiray ayaa aad ugu sacab tumay ciyaartooyda Puntland oo awood u yeeshay in ay goolka deynta ay soo bar-bareeyaan.

Waxaa la soo gaaray daqiiqadihii ugu danbeeyay ee kulanka ayaa la soo gaaray labada dhinac ayaa waxay isku qaadeen weeraro goolal loo filan karay waxaa sidoo kale ay isku heleen fusrado gool loo badali karay laakiin weeraryahanada labada dhinac ayaa fursadahaasi qasaariyay.

Ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 1-1 oo labada dhinac ay isku garab dheceen waxaana kulanka galabta uu ahaa mid ay aad u soo camireen jamaahiir aad u fara badan oo labada dhinac u kala sacab tumayay.

Koonfur Galbeed ayaa ku soo baxday kaalinta koowaad ee horinta B halka kaalinta labaad ay ku soo bexeen xidigaha Puntland labada dhinac ayaana sidaasi ugu soo gubay wareega 4 dhamaadka tartanka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir xulka Hirshabelle ayaa tartanka macsalaameyay laba kulan oo ay ka ciyaareen horinta B waxay aruursadeen hal dhibic oo kaliya sidaasina tartanka waxaa kaga hareen ciyaartooyda xulka Hirshabelle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM