N'Golo Kante oo loo doortay xidigii ugu wanaagsanaa France 2017

Image

Laacibka qadka dhexe uga ciyaara kooxda kubada cagta ee Chelsea N’Golo Kante ayaa ku guuleystay ciyaariyahankii ugu wanaagsanaa dalka France sanadka 2017.

Kante ayaa labadii  sano ee la soo dhaafay kor u qaaday koobka Premier League isagoo kula guuleystay kooxaha Chelsea iyo Leicester City.

Abaal marinta uu helay xidigan ayaa waxaa bixisa sanad waliba shabakada France Football Magazine codeynta abaal marintan ayaa waxaa ka qeyb qaata ciyaartooyda iyo macalimiinta hora abaal marinta ugu soo guuleystay.

Dadka sanadkan codeeyay abaal marintan ayaa waxaa kamid  ahaa laacibka kooxda Atletico Madrid Antonio Greizman oo sanakii hore ku guuleystay tabaraha xulka France iyo madaxweynihii hore ee UFEA Michel Platini.

Kante oo sanadkan abaal marinta ku guuleystay ayaa wuxuu ku garaacay ciyaartooy ay kamid yihiin Pogba Benzema, iyo Kylian Mbappe waxaana uu helay 92 cod.

Qabiirka qadka dhexe ka xamaasha ee Kante ayaa sanadka sii dhamaanaya ee 2017 ku guuleystay abaal marino shaqsiyadeed isagoo jooga Chelsea oo uu kaga soo biiray kooxda Leicester City fasal ciyaareedkii 2015.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM