Philippe Coutinho oo heshiis horudhaca la gaaray Barcelona

Image

Wararka ka imaanaya magaalada Madrid ee caasimada Spain ayaa sheegaya in ciyaariyahanka Liverpool iyo Brazil Philippe Coutinho uu heshiis horudhaca la gaaray kooxda Barcelona.

Warsidaha Diaro Gol oo Spain ka soo baxa ayaa daabacay in heshiiska horudhaca ee Coutinho iyo Barcelona ay wada gaareen salka loogu dhigay qiima gaaraya 135 Milion oo la siin doono Liverpool si Coutinho looga soo afduubto.

Xagaagii lasoo dhaafay ayaa la xasuustaa in Barcelona ay ku hungowday ilaa sadex dalab oo ay ku doonayeen Coutinho laakiin maamulka Liverpool ayaa gabi ahaan iska indha tiray dalabyadii Coutinho looga doonayay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in la isla meel dhigay lacagaha la siin doono Liverpool sidoo kale waxaa la shaaciyay in ay jiraan heshiis si hoose u dhexmaray Coutinho iyo maamulka Barcelona laakiin waxaan la shaacin cadada uu Coutinho kasban doono marka Janaayo uu caga dhigto Camp Nou.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Coutinho uu heshiis 4 sano ah uu la gali doono kooxda Barcelona heshiiskaasi ayaana la sheegay in Coutinho uu ka idlaan doono sanad ciyaareedka 2023 waa hadii uu guuleysto qorshaha Coutinho uu ku tagayo gobolka Catalonia.

Hadii Coutinho uu Janaayo ku biro Barcelona uma ciyaari doono Barcelona tartanka Champions League maadaama horay uu marxalada Guruubyada ugu soo ciyaaray kooxda Liverpool.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM