Rag dacwad loogu soo oogay in ay dhici rabeen ciyaartoy caan ah

Image

LONDON, UK – Laba shaqsi ayaa waxaa dacwad loogu soo oogey in ay isku dayeen dhac ay London ugu geystaan ciyaartoyda kooxda kubada cagta Arsenal ee Mesut Özil iyo Sead Kolasinac.

Booliska caasimadda Boqortooyadda Ingiriiska oo war-saxaafadeed soo saarey ayaa wuxuu Talaadadii, 24-ka September 2019-ka, si cad u xaqiijiyey dhacdadan.

Ashley Smith iyo Jordan Northover ayaa sidoo kale waxaa si wadajir ah loogu soo eedeeyay in ay shaqsi kale ugu hanjabeen "hub weerar aargoosi ah".

Laacibka reer Germany ee asal ahaan Turkiga kasoo jeeda Ozil iyo saaxiibkii ay isku kooxda yihiin una dhashay Bosnia ee Kolasinac ayaa falka loo geystay 25-kii July.

Dableyda oo ku hubeysnayd Toorey watayna Mooto nooca labada lugood leh ayaa xiligaas hareereeyay gariga uu saarnaa Ozil xili uu ku sugnaa waqoyga London.

Sikastaba, kadib markii ay seegeen kulamo badan oo fasal-ciyaareedkan ah, Ozil iyo Kolasinac ayaa si rasmi ah u bilaabay in ay kooxdooda u dheelaan.

Arsenal ayaa shaxda kala sarreynta Premier League kaga jirta kaalinta 4aad iyadda oo leh 11-dhibcood. Shantii kulan ee u dambeysay laba waa barbar dhac; laba guul iyo mid guul daro ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM