Real Madrid oo markii 3aad oo xiriir ah hanatay Champions League

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Real Madrid ayaa guul wayn oo ay ka gaareen Liverpool ciyaartii kama dambeysta ee Finalaha Champions League waxay ka saaciday inay hantaan markii saddexaad oo xiriir ah koobka wayn ee Champions League, xili ay 3-1 kusoo dar-dareen Reds.

Wiilka Wales kasoo jeeda ee Gareth Bale kaasoo bedal ku yimid kulanka, laguna bedalay Isco ayaa wuxuu ahaa Libaaxa fakiyey Los Blancos kadib markii uu dhaliyay Labo gool, xili uu kulanka ku jiray wax ka badan 30 daqiiqo.

Goolka saddexaad ee kale, waxay Real Madrid ka heshay, ahaana midkii bandhiga ay ku furtay ciyaaryahan Karim Banzema ka hor inta uusan ka beeniyay Sadio Mane, taasoo noqday wiilkii ugu horeeyay ee Senegal udhashay ee tartankaan gool ka dhaliyey.

Jurgen Klopp, macalinka Liverpool ayaa wuxuu khasaaray Finalihii labaad ee Champions League, maadaama sanadkii 2013 xili uu hogaaminayey Dortmund ay dhagaha kusoo dhuftay Mur-qawaynta Germany ee Bayern Munich.

Inta socday kulankaan ka dhacay Magaalada Kiev ee dalka Ukraine ayaa waxaa ciyaarta dhawacyo ay ku waayeen labadda kooxood labo ciyaaryahan oo muhiim ahaa kuwasoo kala ah Maxamed Saalax iyo Dani Carvajal.

Guushaan waxay utahay Los Blancos mideedii 13aad marka loo eego tartanka Champions League, iyagoona uu uyahay koobkoodii ugu horeeyay oo ay ku guuleystaan guud ahaan xagaagan, maadaama horyaalka laga qaaday.

Tababare Zidane oo hogaamiya Madrid ayaa wuxuu sameeyay rikoor wayn isagoona noqday macalinkii ugu horeeyay ee saddex sano oo xiriir ah ku guuleysta Champions League wuxuuna umuuqdaa mid mustaqbalkiisa Madrid uusan hada shaki ku jirin.

Sikastaba, Los Blancos ayaa guushaan wayn oo ay ka gaareen Liverpool kuna hanteen Champions League markii saddexaad oo xiriir ah waxay uga mahad-naqayaan Gareth Bale, maadaama uu udhaliyay Labo gool oo muhiim ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM