Shaxda ugu wanaagsan Kubada Cagta Qarnigan 21-aad oo lasoo bandhigtay

Image

SPORTS: Xiriirka Kubada Cagta Qaarada Yurub ee UEFA ayaa soo bandhigay shaxda ugu wanaagsan qaarada Yurub qarnigan 21-aad.

Shaxdan oo ay codeeyeen kumanaan taageeriyaal ah ayaa waxaa ka soo muuqday ciyaartooy fara badan oo horay uga soo ciyaaray qaarada Yurub iyo kuwo xiligan ka xamaasha qaaradaasi.

Goolhayaha Kooxda FC Porto Iker Casillas ayaa ka soo muuqday shaxdan isagoo noqday Gool-hayaha ugu Wanaagsan Qaarada Yurub qarnigan 21-aad.

Casillas ayaa 16 sano oo qurxoon ku soo qaatay Kooxda caasimadda Spain ka dhisan ee Real Madrid waxaana uu kooxdaasi u saftay in ka badan 500 oo kulan waayihii uu joogay cariga Spain.

Sergio Ramos, Gerard Pique, Carles Puyol iyo Philipp Lahm ayaa loo doortay daafacyada ugu wanaagsan kubada cagta qaarada Yurub qarnigan aan joogno.

Inta badan fikradaha ay shaxdan ka dhiibteen dadka codeyntan ka qeyb -qaatay ayaa soo jeediyay in daafacyada Barcelona ee soo galay shaxdan ee Carlos Buyol oo kooxda ka fariistay iyo Gerrard Pique aanay u qalmin in ay shaxdan ay ka soo muuqdaan.

Steven Gerrard halyeyga kooxda Reds ayaa noqday xidiga kaliya ee u dhashay England oo shaxdan ka soo muuqda. Gerrard ayaa Liverpool kula guuleystay Champions league sanadii 2005 kulan guul lama Iloobaan ah oo ay ka gaareen kooxda AC Milan.

Steven Gerrard ayaa soo xirtay calaamada xushmada ee Liverpool isagoo guulo xusuus leh la soo gaaray Reds, waxaana uu kooxdaasi u saftay in kabadan 500 oo kulan dhamaan tartamada.

Ciyaartooyda ka soo jeeda La Roja ee Xavi Hernandez iyo Andries Iniesta ayaa khadka dhexe kula mideysan Steven Gerrard shaxdan la soo saaray ee ah kooxda qaarada Yurub qarnigan.

Weerarka oo ah halka aadka loogu codeeyay ah ayaa waxaa nasiib u yeeshay in ay ka soo muuqdaan ciyaartooyda ugu wanaagsan Kubada cagta xiligan ee Messi iyo Ronaldo halka uu Theiry Henry isna ka garab ciyaaro Xidigahaaasi.

Shaxdan ayaa Dood badan dhalisay waxaana laga waayay ciyaartooy badankood kubada cagta ka fariistay oo kala ah Maldini, Cannavaro Dani Alves  iyo kabtanka Juventus ee Gianluigi Buffon.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM