Sheekh Caan ah oo ka hadlay Dhaawacii Maxamed Saalax

Image

Wadaad Muslim ah ayaa sheegaya in sababta uu ciyaaryahan Maxamed Saalax uga dhaawacmay Garabka kulankii Final-ka ee tartanka Champions League inay ahayd ciqaab dhanka ALLE uga timid taasi oo ka dhalatay Soonka uu furay.

Xidiga Kooxda Liverpool oo uu dhaawac ku yimid daqiiqadii 31aad ee qeybta hore ee kulanka ayaa waxaa u geystay Sergio Ramos, xili Reds 3-1 lagu soo dubtay.

Wadaadka u dhashay dalka Kuwait oo lagu magacaabo Mubarak al-Bathali ayaa ku sheegay qoraal uu bartiisa bulshada soo dhigay maalin kadib dhaawicii Saalax, inay u ahayd “ciqaabta ALLE” maadaama uu afuray iyadoo Bil Ramadaan lagu jiro.

Wuxuu sheegayaa in inkastoo Muslimiinta loo ogol-yahay inay afuraan marka ay safar yihiin, hadana Saalax uu sidaas u sameeyay si uu Final-ka u dheelo taasina aysan ahayn “cudurdaar la qaadan karo”, uuna Saalax ALLE dembi ka galay.

Dakhtarka cudurada gaarka ah ee Liverpool Ruben Rons ayaa horey u xaqiijiyay in Saalax uusan soomi doonin, islmaarkaana uu go’aankaan la qaatay kadib markii wadahadalo laga yeeshay hanaankiisa cuno qaadashada.

Al-Batali wuxuu sheegay in Salah la siiyey talo xun, islamarkaana ah "nasiib darro, [culeyskiisuna uu hada isaga saaran yahay]".

Dhaawaca weeraryahanka reer Masar ayaa shaki geliyay ka qeybgalkiisa Koobka Adduunka ee Ruushka ka bilaaban doona June 14.

'Ha u maleyn in Muslimku aaminsan yahay in noloshu ay maamusho sababo ah dadaal aad sameyso, laakiin noloshu waa wax uu gacanta ku haya ALLE uuna siiyo qofka uu la doono,' ayuu yiri Sheekha.

Si kastaba ha ahaatee, Al-Bathali wuxuu sheegay in Salah uu ahaa 'nin xaqa ku taagan oo wanaagsan kaasoo leh xushmad', islamarkaana safiir u ahaa Muslimiinta isagoo sare u qaadayay muuqaalka Islaamka.

“Ha murugoonin, albaabka towbad-keenka waa uu furan yahay,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay Wadaadkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM