Soomaaliya oo ka baxday Tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xiriirka kubada cagta Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay sababta Soomaaliya ay kaga baaqsatay tartanka bariga iyo bartamaha Afrika sanadkan 2017.

Gudoomiyaha xiriirka kubada cagta Soomaliyeed ahna gudmoomiye ku xigeenka CECAFA ahna gudoomiyaha tartamada CECAFA Cabdi Qani Siciid Carab oo maanta shir jara’id ku qabtay xafiiska xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed ayaa si faah-faahsan uga hadlay sababta Soomaaliya ay uga qeyb gali weyday tartanka bariga  iyo bartamaha iyo Afrika.

Gudoomiyaha ayaa ugu horeyntii sheegay in 16-ka bishan November la soo saaray jadwalka isku aadka tartanka CECAFA isla markaana xiligaa laga waayay Soomaaliya isagoo sheegay in warar aan xaqiiq ahayn xiligaasi lagu sheegay sababta Soomaaliya looga waayay tartanka bariga iyo bartamaha Afrika.

Cabdi Qani Siciid Carab ayaa farta ku fiiqay Warbaahinta dalka Kenya oo uu sheegay in warar xaqiiqda ka fog ay ka qoreen sababaha Soomaaliyaha ay uga baaqsatay tartanka bariga iyo bartamaha Afrika.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in 14-kii October ay ciyaartooyda qaranka Soomaaliyeed bilaabeen diyaargaroowgii ugu horeeyay oo ay isugu diyaarinayeen tartankaasi laakiin maalintaasi uu dhacay qaraxii Zoobe oo galaaftay nolosha boqolaal qof.

Si kastaba ha ahaatee Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii watay sheegay in maalinta qaraxa uu dhacay kadib ciyaartooyda qaranka Soomaaliya ay sii wadi waayeen tababarkooda maadaama lagu dhawaaqay maalmo shaqo joojin iyo baroor diiq ah.

Cabdi Qani Siciid Carab ayaa sheegay in intaa kadib uu iskugu wacay xubnaha xiriirka kubada cagta Soomaaliyee isna markaana ay wada qaateen in tartankaasi aysan Soomaaliya ka qeyb galin isla markaana uu go’aanka xiriirka kadib wargaliyay CECAFA.

Gudoomiyaha xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed ayaa sheegay in xiriirka ay la xisaabtami doonaan shaqsigii warbixin been abuur ah ka qoray sababta Soomaaliya ay ugu baaqsatay tartanka bariga iyo bartamaha Afrika.

Ugu danbeyntii hadalka Gudoomiyaha xiriika kubada cagta Soomaaliyeed ayaa ku soo beegmaya xili waayahan la isla dhexmarayay warar been abuur ah oo lagu tilmamaay sababah ay Soomaaliya uga hartay tartanka bariga iyo bartamaha Afrika laakiin Gudoomiyaha xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed ayaa ugu danbeyntii soo bandhigay sababta rasmiga ah ee Soomaaliya uga baaqsatay tartanka bariga iyo bartamaha Afrika oo sanadkan Kenya lagu qabanayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM