Warar ku saabsan Isku aadka wareega 16-ka Champions League

Image

Marxaladda guruubyada ee Champions League ayaa xalay la soo gaba-gabeeyay waxaan diirada saari doonaa wareega 16-ka balse yey ku beegmi doontaa kooxdaada hadii ay u soo baxday wareega 16-ka ee Champions League ?

Isku aadka wareega 16-ka ee Champions League waxaa la sameyn doonaa maalinimada Isniinta ah ee soo aadan waxaana idiin soo gudbin doonaa wax waliba oo aad uga baahantahay isku aadka wareega 16-ka ee Champions League ka hor inta aa Isniinta lagu dhawaaqin.

Waa sidee shuruucda isku aadka wareega 16-ka ee Champions Legaue?

Guud ahaan kooxaha ka soo baxay marxaladda guruubyada lama ciyaari karaan kooxo ay isku guruub ka soo bexeen ilaa wareega 4 dhamaadka Champions League.

Sidoo kale kooxaha ayaan loo ogoleen in ay la ciyaaraan kooxaha ay isku dalka yihiin ilaa laga gaaro wareega 8 dhamaadka Champions League.

Koox ku soo baxday kaalinta koowaad ee guruub kuma dhici doonto koox kale oo ku soo baxday kaalinta koowaad ee guruub kale.

Sidee ayey kooxaha u gali doonaan dhariga?

Dhariga koowaad waxaa gali doona: Manchester United, Paris St-Germain, Roma, Barcelona, Liverpool, Manchester City, Besiktas, Tottenham oo dhamaantood ku soo baxay kaalmaha koowaad ee marxalada guruubyada Champions League.

Dhariga labaad waxaa gali doona: Basel, Bayern Munich, Chelsea, Juventus, Sevilla, Shakhtar Donetsk, Porto, Real Madrid oo dhamaantood ku soo baxay kaalmaha labaad ee marxaladda guruubyada Champions League.

Kooxahee ayey ku beegmi karaan koooxaha ku soo baxay kaalmaha koowaad ee Marxalada guruubyada?

Manchester United oo ku soo baxday kaalinta koowaad ee guruub A waxay ku beegmi doontaa midkood kooxaha Bayern Munich, Juventus, Real Madrid, Sevilla, Shakhtar Donetsk, Porto.

​PSG waxay ku dhameysatay kaalinta koowaad ee guruub B waxay wareega 16-ka ku beegmi doontaa midkood kooxaha Bayern Munich, Juventus, Real Madrid, Sevilla, Shakhtar Donetsk, Porto.

AS Roma waxay ku dhameysatay kaalinta koowaad ee guruub C waxay wareega 16-ka ku beegmi doontaa midkooda kooxha Bayern Munich, Juventus, Real Madrid, Sevilla, Shakhtar Donetsk, Porto.

​Barcelona waxay ku dhameysatay kaalinta koowaad ee guruub D waxay wareega 16-ka ku beegmi doontaa midkood kooxaha Bayern Munich, Juventus, Real Madrid, Sevilla, Shakhtar Donetsk, Porto.

​Liverpool waxay ku dhameysatay kaalinta koowaad ee guruub E waxay wareega 16-ka ku beegmi doontaa midkood kooxaha Bayern Munich, Juventus, Real Madrid, Sevilla, Shakhtar Donetsk, Porto.

​Manchester City waxay ku dhameysatay kaalinta koowaad ee guruub F waxay wareega 16-ka ku beegmi doonta midkood kooxaha Bayern Munich, Juventus, Real Madrid, Sevilla, Shakhtar Donetsk, Porto.

Besiktas waxay ku dhameysatay kaalinta koowaad ee guruub G waxay wareega 16-ka ku beegmi doonta midkood kooxaha Bayern Munich, Juventus, Real Madrid, Sevilla, Shakhtar Donetsk, Porto.

​Tottenham Hotspur waxay ku dhameysatay kaalinta koowaad ee guruub H waxay wareega 16-ka ku beegmi doonta midkood kooxaha Bayern Munich, Juventus, Real Madrid, Sevilla, Shakhtar Donetsk, Porto.

​Wareega 16-ka ee Champions League ayaa Isniinta soo aadan la sameyn doona kooxo waaweyn ayeyna suurta gal tahay in ay isku beegmaan marka Isniinta lagu dhawaaqo isku aadka wareega 16-ka ee Champions League.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM