Wax walboo aad uga baahan tahay Final-ka Champions League

Image

Caalamka oo dhan wuxuu indhaha ku hayaa garoonka NSC Olimpiyskiy, oo ku yaala Magaalada Kiev ee dalka Ukraine, halkaasoo ay ka dhici doonto ciyaarta kama dambeysta ah ee Champions League, taasoo u dhaxeysa Real Madrid iyo Liverpool.

Los Blancos ayaa uxusul duubaysa inay ku guuleysato koobka Dhaga-wayne markii 13aad oo taariikhda oo idil, iyo markii saddexaad oo xiriir ah, taasoo aaneyn dhicin taariikhda casriga ah ee kubada cagta aduunka iyo midda Yurub.

Dhigeeda Reds, ayaa waxay iyaduna dooneysaa inay qaado koobkaan markii Lixaad taariikhda oo dhan, iyo markii ugu horeysay tan iyo 2005-tii, markaasoo ay uga qaadeen magaalada Istanbul AC Milan, ciyaar lagu sheegay mid mucjiso ahayd.

 - Xogta Ciyaartoyda Labada Koox - 

Real Madrid ayaa waxaa dib ugu soo laabtay Dani Carvajal kaasoo labadii kulan ee ugu dambeeyay ee Champions League dhaawac ku maqnaa. Laakiin lama hubo hadii uu macalin Zidane Garoonka kusoo aamini doono.

Cristiano Ronaldo oo ah ciyaaryahanka ugu muhiimsan ee Real Madrid ayaa wuxuu kulankaan u yahay mid taam ah iyadoo hogaamiyaha Los Blancos uu xaqiijiyay in laacibkaan boqolkiiba boqol uu u diyaarsan yahay inuu wajaho kooxda reer England.

Su’aasha ugu wayn ee uu wajahayo Zidane ayaa waxay tahay hadii uu kulankaan kusoo bilaabi doono Gareth Bale, kaaso dhaliay Shan gool afartii kulan ee ugu dambeysay ee uu ugu soo bilowday Los Blancos.

Geesta kale, Liverpool ayaa waxay iyadana warka u wanaagsan uu yahay inay dib u heshay Emre Can, James Milner iyo Adam Lallana, kuwaasoo shaki laga gelinayay kadib markii dhaawacyo kala duwan ay soo gaareen dhoaan.

Laakiin, waxa aysan gabi ahaanba heli doonin kulankaan, naadiga Reds Alex Oxlade-Chamberlain, Joel Matip iyo Joe Gomez, kuwaasoo dhaawac la xaqiijiyey inay ku maqnaan doonaa inta ka badan xili ciyaareedkan.

Roberto Firmino, Sadio Mane iyo Mohamed Salah ayaa waxay yihiin dhamaantooda kuwa xaadir u ah Liverpool, waxaana marag madoonta ah in tababare Klopp uu xusul duub ugeli doono sidii uu wiilashaan kulankaan ugu soo bilaabi lahaa.

 - Xaqiiqooyinka Kulanka - 

Real Madrid ayaa badisay mid walba oo kamid ah labadii jeer ee ugu dambeysay oo ay la dheeshay Liverpool, iyadoo wadar ahaan ku adkaatay 4-0, taasoo ka dhigan in Reds tahay kooxdii ugu dambeysay ee dhulka lasoo dhigtay.

Kulankaan oo noqonaya markii Sagaalaad oo ay isku arkaan labadaan kooxood ayaa waxaa ciyaartii ugu caansaneed ahayd mid dhacday 37-sano ka hor, taasoo ka qabsoontay magaalada Paris, ee cariga dalka Faransiiska.

Kooxda Liverpool ayaa waxay tahay kooxdii ugu dambeysay ee Real Madrid ku garaacda Final Champions League ah, ciyaar dhacday 1980-81 markaasoo Los Blancos looga adkaaday 1-0.

Khasaarihii ugu xanuunka badnaa ee la gaarsiyay Real Madrid, ayaa ahaa mid looga adkaaday 4-0, waxaana kulankaas si fiican u dheelay Fernando Torres.

 - Safafka Macquulka Ah - 

REAL MADRID: Navas; Carvajal, Ramos, Varane, Marcelo; Modric, Casemiro, Kroos, Asensio; Bale, Ronaldo

LIVERPOOL: Karius; Alexander-Arnold, Lovren, Van Dijk, Robertson; Wijnaldum, Henderson, Milner; Salah, Firmino, Mane

- Si Kooban - 

Tartanka: Champions League [Final]

Kulanka: Real Madrid vs Liverpool

Garoonka: NSC Olimpiyskiy

Saacadda: 21:45 [Caweysnimo, Waqtiga Geeska Afrika]

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM