Xulka Argentina oo baajiyay ciyaar uu la lahaa Israel [Akhri Sababta]

Image

Kulan ciyaareed saaxiibtinimo oo xulka qaranka kubada cagta Argentina ayaa baajiyay Kulan uu la lahaa Israel kaasi oo la filayay inuu ka dhaco magaalada Barakeysan ee Qudus kadib markii Hanjabaad uga timid reer Falastiin.

Ciyaartan oo dhici lahayd Sabtida ayaa Madaxweynaha xiriirka kubada cagta Falastiiniyiinta, Jibril Rajoub, ku hanjabaday inay gubi doonan Maaliyadaha Messi iyo Argentina, hadii kulankaan uu dhoco.

"Messi iyo Argentina waxay taageero ku leeyihiin carabta iyo caalamka inta badan, hadii ay ka qeyb-galaan kulankaan, wuxuu wayn karaa midaas," ayuu ka sheegay Shir jara'id.

"Messi waa calaadda nabadda aduunka, hadii uu ku dheelo ciyaar dhulka la haysto waxay ka dhigan tahay inuu taageerayo, balse waa inuu ka qeyb qaataan soo celinta dhulka sida sharcida loo haysto," ayuu ku daray.

Ka hor hadalada Hanjabaad ee Jibril Rajoub, waxaa banaan-bax xoogan uu ka dhacay xerada ay tababarka ku sameyayeen ciyaartoyda Argentina oo ku taala Magalada Barcelona, gaara ahaan Qalcadda Camp Nou.

Sikastaba, maamulka iyo ciyaartoyda Argentina ayaa go'aan saday inay baajiyaan kulankaan, inkastoo aanan lagu dhawaaqi hadii dib loo dheeli doono, wallow Koobka Aduunka dhawaan bilaaban doono.

Talaabada lagu joojiyay kulankaan ayaa waxaa si wayn usoo dhaweeyay ciyaartoyda Falastiin iyo waliba madaxda xiriirka kubada cagta, oo uu hogaaminayo Madaxweyne Jibril Rajoub.

Ra'iisul Wasaaraha Yahuuda Benjamin Netanyahu ayaa waxaa lagu waramayaa inuu aad uga carooday talaabadaan, isagoona xiriir la sameeyay Hogaamiyaha dalka Argentina, laakiin uu ku fashilmay inuu qadka ku helo.

Lionel Messi oo ah ciyaaryahan kamid ah kuwa aduunka ugu wanaagsan, ayaa waxaa hadii uu dheeli lahaa kulankaan wuxuu ku weyn lahaa taageeroyaal badan oo Carbeed, taasoo fursad u noqon lahayd ninka ay xifaaltamaan ee Cristiano Ronaldo.

Baajinta kulankaan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo xiisad ay ka taagan tahay meesha uu kulanku ka dhici lahaa oo ah Magaalada Quddus, halkaasoo maalmihii udambeeyay ka dhacayeen Banaan-baxyo.

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM