Xulka Melbourne oo afka ciida u daray wiilasha gobolka Banaadir [Sawirro]

Cayaaraha
By GAROWE ONLINE
Ciyaarahanada Melbourne oo u dabaal-degaya Koobka [Xuquuqda Sawirka: Garowe Online]
Kooxda Melbourne oo ciyaaray cajiib ah kusoo bandhigay Banaadir Stadium, Nov 24, 2017 [Xuquuqda Sawirka: Garowe Online]
Kooxdii ka socotay wadanka Australia ee Melbourne oo Koobka gacanta ku dhigay [Xuquuqda Sawirka: Garowe Online]
Kooxda Melbourne oo ciyaaray cajiib ah kusoo bandhigay Banaadir Stadium, Nov 24, 2017 [Xuquuqda Sawirka: Garowe Online]
Ciyaar saaxiibtinimo oo Kooxda Melbourne oo Banaadir Stadium kula yeeshay Kooxda gobolka Banaadir, Nov 24, 2017 [Xuquuqda Sawirka: Garowe Online]
Ciyaarta Wiilasha Melbourne iyo gobolka Banaadir oo labada qeybood kusoo idlaatay Gool la'aan, Nov 24, 2017 [Xuquuda Sawirka: Garowe Online]
Reer Melbourne oo la hoyday Koobka markii ay garaaceen Kooxda gobolka Banaadir, Nov 24, 2017 [Xuquuqda Sawirka: Garowe Online]
Gudoomiyaha gobolka Banaadir Thaabid Cabdi Maxamed oo Koobka gudoonsiinaya Kooxda Melbourne, Nov 24, 2017 [Xuquuqda Sawirka: Garowe Online]
Reer Melbourne oo la hoyday Koobka markii ay garaaceen Kooxda gobolka Banaadir, Nov 24, 2017 [Xuquuqda Sawirka: Garowe Online]
Taageeriyaasha xulka Melbourne oo Koobka ku dabaal-degaya, Nov 24, 2017 [Xuquuqda Sawirka: Garowe Online]

MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxdii ka socotay wadanka Australia ee Melbourne ayaa waxay ku guuleysatay Koob qurux badan, kadib markii ciyaar ka dhacday Banaadir Stadium ay ciida afka u dareen wiilasha xulka Gobolka Banaadir.

Ciyaartaan oo ahayd mid xamaasad xambaarsanayd waxaa ka qeybgalay mas'uuliyiin kala duwan oo ay kamid ahaayeen Thaabit Cabdi Maxamed, Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab.

Dhacdo ciyaareedkan ayaa waxaa lagu qabtay xalay fiidkii Banaadir Stadium [Ex Koonis], ayaa waxaa usoo daawasho tegay taageerayaal iyo dadweyne aad u badan, kuwaasoo ukala sacabo tumayay labada Kooxood.

Xidigaha labada dhinac ayaa soo bandhigay ciyaar aad u heer sareysay, waxaana ay ku kala baxeen qeybta koowaad bareejo goolal la’aan ah, iyadoo markii dib leys kugu soo laabtay aysan waxba iska bedalin natiijada ciyaartooda.

Inkastoo, wiilashii metalayay Melbourne ay ku gacan-sareeyeen qeybtii labaad ee ciyaarta hadana waxaa lagu qasbay inay bareejo kusoo dhamaatay 90-ka daqiiqo ee loogu tala-galay kulankooda.

Waqti dheeri ah ayaa lagu daray ciyaarta, balse waxba iskama dhalin, waxaana ugu dambeyntii la aaday Rigoore, iyadoona ay ku badisay 4-3, kooxdii ka socotay wadanka Australia ee Melbourne.

Kooxdaan ayaa sanadkii 2016 bishii November booqasho ku tagey maamulka Puntland iyagoo halkaas kula cayaarey 3 kooxood oo ka tirsan kooxaha ka dhisan magaalooyinka Garoowe, Boosaaso iyo Galkacayo. 

GAROWE ONLINE