Yaa ku guuleystay abaal-marinta Ciyaaryahanka ugu wanaagsan Africa?

Image

Gool dhaliyaha xulka qaranka Masar iyo kooxda kubada cagta ee Liverpool Mohamed Salah ayaa xalay markii ugu horeysay loo caleema saray abaal marinta xidigii ugu wanaagsan qaarada Africa sanadkii tagay ee 2017

Salah oo xaflad ka dhacday magaalada Accra ee dalka Ghana lagu siiyay abaal marinta uu ku guuleystay ayaa wuxuu kaga adkaaday biladaaasi ciyaariyahan Sadio Mane iyo gooldghaliyaha xulka Gabon Pierre-Emerick Aubameyang.

Wiilka weerarka uga ciyaara xulka faaraciinta lagu naaneyso ee Masar ayaa sanad ciyaareed qurxoon la bilawday kooxda Reds isagoo u dhaliyay 23 Gool kadib markii  bishii August ee sanadkii la soo dhaafay kaga soo biiray kooxda Roma.

Salah ayaa sidoo kale sanadkii tagay ee 2017 isku daray taariikhda xulka Masar isagoo shaqo wanaagsan u qabtay xulkiisa oo uu u suura galiyay in ay gaaraan kama danbeysta koobka qaramada qaarada Africa sidoo kale Salah ayaa lugtiisa Masar ugu diray dhacda ciyaareedka aduunka ugu xiisaha badan ee koobka aduunka.

Codeynta ayaa waxaa kaalinta labaad ka soo galay laacibka xulka Senegal Sadio Mane halka kaalinta 3-aad uu ku dhameystay ciyaariyahan Pierre-Emerick Aubameyang oo sanadkii hore abaal marintan lagaga guuleystay.

18-kii Decembar CAF ayaa ku dhawaaqday in Mane, Salah iyo Aubameyang ay isugu soo hareen kama danbeysta abaal marinta xidiga sanadka ee Africa laakiin Salah ayaa nasiib u yeeshay in labadaasi xidig uu ka dhexqaato abaal marinta xidigii ugu wanaagsanaa qaarada Africa sanadkii dhamaaday ee 2017.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM