Ciyaartoyda iyo macalimiinta ajnabiga ah oo dalka laga saarayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Cayaaraha dowlada Soomaaliya ayaa Khamiista maanta ah waxay ku amartay ciyaartoyda iyo tababareyaasha ajaaniibta ah in ay dalka ka baxaan.

Khadiija Maxamed Diiriye, wasiirka wasaaradaas, ayaa sheegtay in ay "u fasaxayaan si looga hortaggo Coronavirus iyo bisha barakeysan ee Ramadan oo fooda nagu soo haysa awadeed".

Go'aanka ayay hoosta ka xariiqdey in ay ka fekerayeen labaddii todobaad ee lasoo dhaafay, iyagoo ka talagelinaya dhinacyadda ay u qeyso oo Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed uu kamid yahay.

Amarka ayaa saameynaya farsamayaqaanada ajaaniibta ah ee la jooga kooxaha kubada cagta dalka iyo xiriirka, sidda ay wariyeyaasha u sheegtay Khadiija, oo sidoo kale ka tirsan baarlamaanka.

"[Sidoo kale] ma jiro tartan sii soconaya illaa iyo isbedel ay uga soo baxaan arrimahaan [xaalada cudurka]," ayay raacisay Khadiija, oo horey u sheegtay in la joojiyey tartamada kubada cagta.

Dhanka kale, wasiir Khadiija ayaa sheegtay in ay sii wadayaan taageerada dhamaan ciyaartoyda Olombikada xili ay jirto in ciyaaraha qorshuhu ahaa in ay ka dhacaan Japan dib loo dhigay 2021.

Hadalka wasiir Khadiija ayaa kusoo aadaya xili qofkii labaad oo ku sugan Muqdisho laga helay caabuqaas dilaaga ah. Kiiskii koowaad wuxuu 16-kii Maaj soo ritay muwaadin kasoo safray Shiinaha.

Coronavirus ayaa wuxuu saameeyay qaybo badan oo nolosha bini'aadamka ah. Walwalka ugu badan ee haatan jira wuxuu yahay xiliga lasoo afjari doono, taas oo calaamad su'aal weyn ay dul-saaran tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM

Madaxwayne feeray garsoore kubada cagta ah oo cudurdaartey

Faaruuq Koca ayaa xabsi la dhigay markii falkan uu ku kacay wallow haatan xorriyadiisa dib u helay.

  • Cayaaro

    28-12-2023

  • 05:25AM