David Beckham oo lix bilood laga mamnuucay kaxeynta gawaarida

Image

LONDON, UK - Xidigii hore ee xulka Ingiriiska, David Beckham, ayaa muddo lix bilood ah looga mamnuucay in uu kaxeeyo gaari markii sawir laga qaaday isaga oo baabuur si xowlo ah u wada xili uu adeegsanayo telafoon.

Maxkamad ku taalla koonfurta magaaladda London, caasimada UK, ayaa Beckham ku heshay dambiga heerka saddexaad ee wadista baabuurta, sidda ay ku warameyso wakaalada wararka ee Press Association [PA].

Iyada oo dambigaasi mar sii horeysa lagu helay, isla markaana ruqsadiisa kaxeynta baabuurta la dul-dhigay, ayaa Beckham, oo 43-sano jir ah, waxa uu haatan wajahayaan mamnuucistaasi.

Laacibkii hore ee Manchester United ayaa xiliga uu dambigaasi galayey waxa uu gaarigiisa Bentley ku kaxeynayay West End oo London ka tirsan, waxaana joojiyey xubin ka tirsan shaqaalaha rayid, isaga oo telafoon isticmaalaya.

"Inkasta oo uu fiirinayey hortiisa, dareena uu siinayey wadada, waxa uu umuuqda mid eegayey laab-toobkiisa," ayuu yiri dacwad ooge, Matthew Spratt, sidda laga soo xigtay PA.

Gerrard Tyrrell, qareenka Beckham, ayaa sheegaya in kalyeentigiisa uusan xusuusan goorta uu shilkaasi dhacay, wuxuuna meesha ka saarey in ay mar-marsiyo ka tahay.

"Isaga ma xasuusto waxa dhacay, mana ahan cudur-daar, isaga waxa uu beeinayayaa in uu dambi galay, waana sida ay wax u dhaceen," ayuu hadalkiisu raaciyey.

Beckham ayaa sidoo kale waqti kusoo qaatay Real Madrid oo Spain ka dhisan, LA Galaxy oo Mareykanka ah iyo PSG oo Faransiiska ka ciyaarta halkaasi oo uu waayihiisa ciyaareed kusoo gabagabeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM

Madaxwayne feeray garsoore kubada cagta ah oo cudurdaartey

Faaruuq Koca ayaa xabsi la dhigay markii falkan uu ku kacay wallow haatan xorriyadiisa dib u helay.

  • Cayaaro

    28-12-2023

  • 05:25AM